BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 06.11.2002 - 17:55 Wakhtiga London
Roobab ka da'ay Gobolka Gedo

Xasan Barise - Muqdisho


Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in roobabkii xilligan ay si wanaagsan uga da’een guud ahaan gobolkaasi, gaar ahaanna ay dhibaatooyin ka geysteen roobabkaasi degmada Luuq iyo tuulooyinka u dhow.

Sida uu BBC-da u sheegay Ibraahim Maxamed Nuur Darboweyne oo jooga magaalada Luuq kana tirsan duqeyda degmada, waxa uu roobkaasi da’ayey muddo 72 saacadood oo xiriir ah isagoo geystay dhibaatooyin baaxad leh oo naf iyo maalba leh.

Sida uu ku warramay Ibraahim Darboweyne, waxa ay roobabkaasi galaafteen nolosha dad gaaraya shan qof kuwaasoo ay ku jireen hal canug, iyo gabar halka saddexda kalena ay ahaayeen rag, waxana ay dadkaasi dhammaantood dhinteen kaddib markii daadad ka dhashay biyaha roobabkaasi iyo webiga kuwo ka soo fatahay ay is-biirsadeen ay la tageen dadkaasi.  Waxaa sidoo kale biyahaasi ay dumiyeen labo kaabadood oo ku yaallay waddada laamiga ah ee dhinaca Muqdisho loo soo aado ee magaalada Luuq.

Sida uu weriyeheenna Xasan Barise u sheegay Ibraahim Darboweyne oo khadka fooneeyaha Luuq uu kula xiriiray waxaa sidoo kale ay biyaha roobabkaasi dumiyeen in ka badan 37 guri oo carshaan iyo muddullo u badan, kuwaasoo 20 ka mid ah ay ku yaallaan magaalada Luuq dhexdeeda, halka inta kalena ay ku yaallan tuulooyinka ku dhow-dhow.  Roobabkaasi waxaa sidoo kale ay laayeen ari fara badan gaar ahaan tuulooyinka Dogob, Haruur Tuur, Carro-Case iyo kuwo kale.

Maxamed Xaashi oo jooga magaalada Baardheere ayaa isagana u sheegay weriyeheenna in roobabku ay guud ahaan gobolka aad u wanaagsanyihiin, inkastoo dhismeyaasha oo liita iyo webiga oo soo buuxsamay ay keeneen cabsi badan oo la xiriirta in ay fatahaad weyn ay dhici karto. 

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.