BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 12.11.2002 - 06:14 Wakhtiga London
Baaralamanka Iraq oo diiday qaraarka QM
Baaralamanku waxa uu si daran daacad ugu yahay Saddan Hussein
Baaralamanku waxa uu si daran daacad ugu yahay Saddan Hussein

Baaralamanka Iraq ayaa si buuxda ugu codeeyey in la diido qaraarkii Qaramada Midoobay ee codsanayey in hub baarayaashu ku laabtaan Iraq, laakiin go'aanka u dambeeya waxa ay u daayeen Saddam Hussein.

Codeynta looga soo horjeestay qaraarka Qaramada Midoobay waxa uu yimid, iyadoo uu wiilka Saddam Hussein, Uday uu dadaal u galay in "Haa" lagu codeeyo oo Talaadadiiu sheegay saraakiil sare in waddanku uusan ikhtiyaar kale lahayn oo an ka ahyn in uu ogolaado.

Si kastaba ha ahaatee, baaralamanka oo aan awood dhab ah lahayn ayaa sheegay in ay qaaddan doonaan go'aan kasta oo madaxweynuhu uu gaaro.

Saddam Hussein waxa uu haystaa ilaa Jimcaha in uu go'aan ka gaaro qaraarkan oo codsanaya in Iraq ay hub baarayaasha si buuxda ugu furto goob kasta oo lagu tuhunsanyahay in hub lagu qarshay.

Intii aysan baaralamanka Iraq codbixinta samaynin ka hor ayaa France ay digniin kulul ku bixisay in cawaaqib xun ay Iraq la kulmayso haddii aysan ogolaan in hub baarayaasha Qaramada Midoobay ku laabtaan waddankeeda.

Wareysi uu siiyey Raadiye ku yaal Paris ayuu Wasiirka Arimaha Dibadda ee France, Dominique de Villepin ku sheegay haddii uusan Saddam Hussein u hogaansami waayo dalabaadka laga doonayo waxa iska cad in xoog la isticmaali doono.

Isniintii ayaa baaralamanka Iraq uu dhaleeceeyey qaraarka Qaramada Midoobay, guddiga baaralamanka u qaabilsan xiriirka dibadda ayaa isaguna tala ku baxshay in qaraarka lagu gacan sayro.

Kor joogayaasha intooda badan waxa ay rumaysanyihiin in hogaamiyaha Iraq waxa kaliya ee u furan ay tahay in uu u hogaansanaado qaraarka Golaha Ammaanka, iyadoo uu Maraykankuna uu sii wado caddaadiska ay Iraq kaga doonayaan in ay hubkeeda ku burburiso.

Saraakiil muhiim ah oo ka tirsan baaralamanka ayaa intii aan loo codeynin Isniintii ku baaqay in hogaanka Iraq ay diidaan qaraarka Golaha Ammaanka.

Afhayeenka baarlamanka Iraq, Saadun Hammadi, oo furay shirkaas gaarka ah ee xubnaha baaralamanka ayaa isaguna qaraarka cusub ee Qaramada Midoobay ku sheegay in uu yahay mid aan la qaadan karin oo meel ka dhac ku ah qaranimada Iraq.

Madaxa guddiga xiriirka dibadda ee Iraq, Salim al-Koubaisi ayaa hadal uu isna kaga soo horjeedo qaraarka Qaramada Midoobay ku "tala baxshay...in gaashaanka lagu dhufto qaraarka Golaha Ammaanka ee tiradiisu tahay 1441".

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.