BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 13.02.2003 - 09:50 Wakhtiga London
Muqdisho oo laga bilaabay Qashin guris

Farxiya Cali Qajo - Muqdisho
 
Shirkad ka shaqeysa Nadaafadda ayaa Muqdisho ka bilowdey hawl ay kaga gureyso qashinka, shirkaddaas oo qalab badan la timid waxa keeney niman ganacsato ah.

Shirkadda hawshan bilowdey oo lacag ka qaadanaysa dadka ay qashinka ka gurto waxa y hawsheeda inteeda badn ka bilowdey goobo ganacsi 

Shirkadan oo lagu magacaabo Siti Gurub  ayaa waxaa la arkayay baryahanba baabuuro iska rogayaal ah oo ay leeyihiin oo qashinka ka guraya suuqa weyn ee Bakaaraha, Cusbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho qaarkood iyo waliba xaafadaha la dagan yahay dhaxdooda, ayadoo halka ay qashinka ay ka gurayaana ay yaalaan fuustooyin, caagag iyo waliba baakooyin lagu sii dhexriday baco diyaarsan .

Cali Cabdule Qaawane oo ah Gudoomiyaha Shirkada nadaafada Siti Gurub ayaa sheegay in ujeedadooda ugu wayni ay tahay in ay lacag ka sameeyaan ururinta qashinka, ayadoo ay taasina u wehliso in ay gacan ka gaystaan bilic samida Magaalada Muqdfisho, isagoo intaasina sii raaciyay ka hor intii ayan hawshan qashin ururinta ah bilaabin in ay daraasad ku sii sameeyeen baahida loo qabo qashin ururinta , ayagoo  ka dibna diyaariyey Fuustooyin, Caagag iyo Kartoono Bako leh kuwaasoo koogu geeyo dadka soo dalbada goobahooda ganacsiga, guryada xarumaha shaqooyinka sida  Cusbitaalada  si  ay  qashinka ugu sii ururiyaan weelashaasi.

Cali Qaawane waxaa kaloo uu sheegay  dadka soo dalbanayo Fuustooyinka ay ka qaadaan lacag dabaaji ah oo dhan 50 ilaa 100/ kun shilin Soomaali ah, halka marka ay qashinka fogaynayaan ay dadka macaa miisha la ah ay ka qaadaan lacag u dhaxaysa  shan ilaa 10 toban kun shilin Somaali ah, taasoo ku xiran hadba qofka weelka qashinka lagu shubo ee uu isticmaalay. 

Shirkadan nadaafadeed ayaa aydu waxay qashinka u fogaysaa godad waayayn oo ku yaala xeebta ama badda, aydoo isla markaasina hawsheedu ku soo beegantay xilli uu Magaalada Muqdisaho ka Jiro shubanka loo yaqaano koleera isla markaana ay u baahan tahay nadaafad-guud, si ugu yaraan loo hakiyo cudurka shubanka,  waxaan soo dhaweeyay hawshan hawlwadeenada caafimaadka, walo ay hadana tahay mid lacag ay kusamaynayaan ganacsatada.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.