BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 27.04.2003 - 10:50 Wakhtiga London
Maalinta Dhulka oo laga xusey Muqdisho

Xasan Barise - BBC - Muqdisho

Hey'ad u ololeeysa Deegaanka oo Muqdisho degen ayaa xus u sameysay maalinta Dhulka Adduunka, kana hadashay dhibaatooyinka lagu hayo Dhulka iyo deegaanka Soomaaliyeed.

Maalintan dhulka ee adduunka ayaa u muuqata mid ay hay’adaha deegaanku iyaguna uga faa’ideysanayaan in ay wax ka yiraahdaan dhibaatooyinka xagga dhulka iyo deegaanka Soomaaliya haysata. Koox ka tirsan hay’adda Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bad-baadinta Dhirta oo ay taakulayso hay’adda NOVIB ee dalka Netherlands oo dhowaanna socdaallo kala du-duwan ku soo maray meelo badan oo gobollada koofureed ee dalka ka tirsan ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dhibaatada lagu hayo dhulka Soomaaliyeed iyo kheyraadkiisii dabiiciga ahaa.

Maxamed Cilmi Sooyaan oo ka tirsan hay’addaasi isla markaana hoggaamiya kooxaha ka hawlgala Gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa ku tilmaamay wax laga naxo dhibaatada lagu hayo dhulka marka laga billaabo Kuunyo Barrow, Ariille, Maxaad Xaaji ilaa Badhaadhe ee ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegay in xaalufku uu hadda marayo meel laga argagaxo.

Maxamed Cilmi Sooyaan oo Sabtidii saxaafadda kula hadlayey xafiiska hay’addaasi ee degmada Hodon ayaa u jeediyey isbahaysiga Dooxada Jubba in ay inta ay goori goor tahay wax ka qabtaan xaalufinta ku socota deegaanka ay sheegtaan in ay maamulaan iyo sidoo kalena dekedaha Kismaayo iyo nawaaxiga Muqdisho oo si ba’an looga dhoofiyo dhuxusha iyo ugaartii qaaliga ahayd ee Soomaaliyeed. Sooyaan wuxuu intaasi ku daray in dekedahaasi cel-celis ahaan ay bishiiba ka baxaan ilaa sagaal markab oo midkiiba uu sido in ka badan 100,000 oo jawaan oo u dhigata in ka badan 10,000 oo geed, haddii ay sidaasi ku socotana ay dhici karto in dalkaba laga waayo xoolo iyo dhir labaduba.

Hay’adahan deegaanku waxay ammaan u soo jeediyeen Faarax Weheliye Caddow Sindiko oo isboortiga caan ku ahaa hase ahaatee haatan u muuqda mid u soo tafa-xaydanaya xagga siyaasadda kaasoo sheegay in haddii isaga masuuliyadda dalka loo dhiibi lahaa uu muhiimadda koowaad siin lahaa badbaadinta dhulka iyo deegaanka Soomaaliyeed ee uu xaalufka ba’ani ku socdo. Waxaa kaloo ay hay’addani ammaan u soo jeediyeen Wasaaradda Deegaanka ee Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland, waxaanay sheegeen in wasaaraddaasi ay meel la yiraahdo Gacan-Libaax oo ka tirsan nawaaxiga Hargeysa ay ku soo celiyeen noloshii qaar ka mid ah duur-joogtii hore ugu noolaan jirtay dhulkaasi, taasoo ay hay’adahani deegaanku ku tilmaameen mid ku-dayasho mudan.

Xuska maalintan dhulka ee adduunka darteed waxay hay’adaha la dagaallanka xaalufinta deegaanku u soo jeediyeen ganacsatada, aqoonyahannada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka jooga in ay xubno ka noqdaan ururka Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Badbaadinta Dhirta si si wadajir ah loogu guntado ka hortagga burburka ku socda kheyraadkii ay Soomaaliya ku faani jirtay.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.