BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 13.05.2003 - 09:31 Wakhtiga London
Wafdi ka socoda Qaramada Midowbey oo Muqdisho tagey


Xasan Barise - BBCSomali.Com

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socda qeybo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka tirsan, kuwaasoo u kuurgelaya siyaabaha dib loogu suurtogelin karo dhoofintii xoolaha Soomalida ee joogsatay muddo hadda laga joogo saddex sano.

Wafdigan oo ka kooban shan xubnood oo kala socda hay'adaha UNDP iyo FAO oo uuna hoggaaminayo Mr Maxwell Gaylard oo ah isu duwaha deeqada Soomaalida ayaa ujeeddada socdaalkooda uu la xiriiraa dadaal la doonayo in dib loogu soo nooleeyo dhoofintii xoolaha Soomaalida oo la joojiyey bishii Septemeber sannadkii 2000 kaddib markii waddamada Geeska Afrika oo dhan lagu sheegay in uu xoolahooda ku dhacay cudurka Xummadda Rift Valley.

Xafiisyada UNDP iyo hay'adda Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO waxay soo dhoweeyeen tallaabo ay hormood ka yihiin Golaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay waddanka Imaaraadka Carabta magaalada Dubai oo lagu sameynayo laguna horumarinayo urur guud oo xoolaha Soomaalida qaabilsan oo gacan ka geysta horumarinta iyo dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed iyo waxyaabaha ka soo baxa.

Shir ka dhacay magaalada Dubai 29-kii April ilaa 1-dii May oo ayna si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Golahaaasi Ganacsatada Soomaaliyeed, wakiillo ganacsato Soomaaliyeed oo xagga ganacsiga xoolaha iyo hilibka ah, wakiillo ka socday dowladda KMG ah iyo maamullada Somaliland iyo Puntland iyo wakiillo ka socday waddamada loo dhoofiyo xoolaha Soomaalida ee Bariga Dhexe ayaa lagu soo talo jeediyey sameynta Guddi Qaabilsan Xoolaha Soomaaliyeed si uu u nidaamiyo wax soo saarka xoolaha iyo hab horumarsan oo lagula socdo cudurrada xoolaha, baaritaankooda iyo sharciyeyntooda gaar ahaanna kuwa la dhoofinayo.

Mr Maxwell Gaylard oo war saxaafadeed ka soo saaray Muqdisho maanta ayaa sheegay in dadaalkani dhinaca xoolaha Soomaalida uu muhiim u yahay dib u soo noolaynta dhaqaalaha Soomaalida taasoo weliba si isku mid ah u taabanaysa reer magaalka iyo reer Miyigaba, wuxuuna intaasi ku daray in hay'adaha UNDP, FAO iyo WHO ee Qaramada Midoobay iyo weliba Bangiga Adduunkuba ay ka go'an tahay in ay gacan ka geystaan in uu guulaysto habkani dib loogu soo noolaynayo dhoofintii xoolaha Soomaaliyeed.

Mr Maxwell Gaylard iyo wafdigiisuba waxay duhurnimadii maantaba la kulmeen masuuliyiinta wasaaradda xannaannada xoolaha ee dowladda KMG ah, iyagoo berritona u kicitimaya dhinaca is-maamul goboleedka Puntland maalinta ku xigtana Somaliland si buu yiri Mr Gaylard ay dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed qeyb uga noqdaan dadaalkan cusub ee lagu soo noolaynayo dhoofintii xoolaha Soomaaliyeed..

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.