BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 15.05.2003 - 09:07 Wakhtiga London
Wabiga Shabeelle oo Gobolka Hiraan ku fatahmey

Xasan Barise - BBCOnline

Iyadoo ay halkii ka sii socoto fatahaaddi webiga Jubba ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa haddana fatahaad cusub billaabay webiga Shabeelle, gaar ahaanna meelo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sida lagu helayo wararka xagga talefoonnada ee magaalada Beledweyne waxa ay socotaa fatahaadda webiga Shabeelle muddo hadda toddobaad ku dhow. Sida uu sheegay Xasan Hilowle Cismaan oo loo yaqaanno Xasan Kacaan oo ka tirsan masuuliyiinta gobolkaasi Hiiraan waxay hadda dhibaatada ugu darani tahay barakac ku yimid boqollaal qoys oo deggenaa meelo kala duwan oo magaalada Beledweyne ka tirsan.

Waxa wararku shegayaan in uu webigu so jabsaday oo ay biyihiisu ku soo fataheen Dhagax Jebis, qeybo ka mid ah degmada Hawlwadaag, gaar ahaan deegaanka ku dhow xannaannada xoolaha, ADC-dii hore, halka loo yaqaanno Ku-Tiimbo oo ka tirsan xaafadda Xaawo Taako iyo meelo kale.

Waxa kale oo wararku intaas ku darayaan in dadka ilaa iyo hadda ku barakacay fatahaaddan ay dhan yihiin ilaa iyo 450 qoys, kuwaasoo aan haysan hoy, cunno iyo dawo midna, iyadoo aanayna ilaa iyo hadda jirin cid haba yaraatee u gurmatay dadkaasi, haddii ay ahaan lahaayeen hay'ado samafal amaba dadka caadiga ah ee wax haysta ee gobolka.

Duqeyda reer Beledweyne waxaa kaloo ay ii sheegeen in hadda ay cabsi weyn ka qabaan dhinaca woqooyi ee magaalada iyo degmooyinka kale ee Buulo Burte iyo Jalalaqsi, kuwaasoo ilaa iyo hadda aanay weli fatahaaddu ka dhicin. Waxa akle oo wararku intaas raacsheen in ay jiraan dul heehaabayaan dermooyin iyo agab kale oo muujinaya in uu hore u soo jiiray ugu yaraan tuulo ama meel reer miyi deggenaa, laakiinse aanay iyagu ilaa iyo hadda ka war helin halkii uu dermooyinka ka soo qaaday webiga.

Cabdiwahaab Cabdullaahi Oomaar oo ka tirsan waxgaradka magaalada Beledweyne ayaa isagana ii sheegay in inkastoo ay weli fatahaaddu socoto ay haddana soo muuqanayso rajo wanaagsan oo ah in ay fatahaadduu joogsanayso, waayo buu yiri waxaa ilaa Arbacadii hoos u sii dhacayey heerka biyaha ee webiga, taasoo calaamad u ah in haddii ay biyaha webigu yaraadaan aanay jiraynin meelo cusub oo looga qaxo fatahaadda dambe.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.