BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 18.05.2003 - 19:37 Wakhtiga London
Puntland oo heshiis la kala saxiixdey
Col. Cabdullaahi Yusuf oo saxiixaya heshiiska
Col. Cabdullaahi Yusuf oo saxiixaya heshiiska

Axmed Kismaayo - Boosaaso

Xaflad lagu soo gabagabaynayo wadahadalkii nabadeed ee waayadan ka socday magaalada Bosaso una dhexeeyay maamulka haatan ka taliya Puntland iyo Golaha Badbaada Puntland ayaa galabta lagu qabtay fagaare ku yaal xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaso taasoo si rasmi ah loogu saxiixay heshiis kama dambays ah.

Xafladdan oo si wayn looga soo qaybgalay ammaankeedana aad loo sugay ayaa markii ugu horraysay waxa indhaha lagu dhuftay madaxwaynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Jeneral Cadde Muse oo meel fagaare ah is garab fadhiya.

Gen. Cadde Muuse oo saxiixaya heshiiska

Labada nin waxay galabta ay qalinka ku duugeen heshiis kama dabmays ah, kaasoo looga gol-leeyahay in lagu soo afjaro guud ahaanba qalalaasihii siyaasadeed ee waayadanba ka jiray degaannada Puntland.

Kulankii galabta ayaa saxiixa heshiiska ka dib waxa Cabdullahi Yusuf iyo Jeneral Cadde labadaba ay ballan qaadeen inay ka dhabaynayaan hirgalinta heshiiskan sida ugu dhaqsaha badan.

Heshiiskan oo in muddo ahba lagu mashquulsanaa muran badanna ka dhex abuuray labada geesood ayaa waxa ka muuqda wax-qaybsi xagga awoodda iyo maamulkaba ah kaasoo sida muuqata labada dhanba ay isla oggolaadeen.

Waxa uu dhigayaa heshiiskan in Golaha uu madaxda ka ahaa Jeneral Cadde ay ku yeelanayaan xukuummada Puntland 3-xubnood oo ka mid ah golaha wasiirrada iyo laba wasiir k/xigeen,iyo weliba laba agaasime guud iyo 3-agaasime waaxeed.

Jagooyinka kale ee muhimka ah ee la siiyay Golihii Badbaada Puntland waxa ka mid ah, mid ka mid ah labada taliye ee ciidamada daraawiishta iyo kan boliiska, maamulka Dekedda iyo Garoonka midkood,iyo ugu yaraan laba gudoomiye gobol oo ay wehliyaan laba gudoomiye degmo.

Waxa kaloo heshiiskani dhigayaa in guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland uu ka iman doono gobolka Bari, taasoo u muuqata in la siin doono xubin ka tirsan golaha Badbaadada kana soo jeeda gobolka Bari.

Ciidamada Gen Cadde

Golaha uu hoggaamiyo Jeneral Cadde waxay ay xubno ku yeelan doonaan Ergada Puntland ee ka qaybgalaysa shirka nabadaynta somalida ee ka socda dalkaasi Kenya sida ka muuqata heshiiskan.

Dhinaca kalana ciidamada Jeneral Cadde ayaa waxa loo qaybin doonaa ciidamada daraawiista iyo Boliiska ee DGPL,waxana saxiixa heshiiskani uu soo afjarayaa jiritaanka Golaha Badbaadinta Puntland sida ku cad heshiiskan.

Boqor Cusmaan Maxamuud iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo ah Labada Isim ee sida aadka ah uga qaybqaatay heshiiskan ayaa waxay u soo jeediyeen dadka ku nool Puntland inay dhowraan heshiiskan isla markaana ay ka faa'idaystaan fursaddan.

Labada Isim waxay ka warameen hawlihii faraha badnaa ee laga soo maray heshiiskan waxayna sheegeen inay u mareen heshiiskan hannan ku dhisan dhaqanka somalida iyagoo ugu baaqay ummadda Soomaliyeedna inay ka shidaal qaataan heshiiskan.

Saxiixii heshiiskan ka dib ayaa waxa halkaas isku gacan qaaday madaxwaynaha Puntland Cabdullahi Yusuf iyo General Cadde Muse iyagoo isku soo booday isla markaana xabadka isa saaray taasoo dadkii munaasabbadda joogayna ay sacab ku bogaadiyeen.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu soo gabagabeeyo colaadii socotay, laga soo billaabo 5-tii ogost sannadkii 2001- oo ahayd markii dagaalkii ugu horreeyey uu ka qarxay magaalada Bosaso taasoo ay xigeen dagaallo kale oo dhowr ah oo ay isaga horyimaadeen labada dhinac.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.