BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 21.05.2003 - 10:03 Wakhtiga London
Daadad khatar ku haya Koofurta Soomaaliya

Hay'ada Cunnada Adduunka ee FAO iyo Ururka Midowga Yurub warbixin ay soo saareen bishan May ayaa waxay ku sheegey in daadad ka dhashey wabiyada Jubba iyo Shabeele in ay khatar ku hayaan amaanka xagga cunadda ah ee dadka ku nool koofurta Soomaaliya.

Waxayna sheegeen in meelaha dhibaatooyinku ay soo gaareen in ay ku jiraan deegaanada Jowhar , Qoryooley, Marka iyo Kurtunwaarey.

Daadadka ayaa soo rogmadey ka dib markii roobab waaweyn ay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafey ay ka da'een dhulka sare ee Etoobiya iyo Soomaliya.

Warbixintu waxay sheegtey in beeraleydu ay xaaladda sii xumeeyeen ka dib markii kilimo ay ka qodeen wabiyada jiinkooda si ay beeraha ugu waraabsadaan, ay sii kordhiyeen khatarta ah in wabiyado ay aad u sii fatahaan.

Wararku waxay intaa ku darayaan ilaa iyo laga soo bilaabo waxii ka danbeeyey markii ay burburtey dowladdii Soomaaliya 1991dii in aan wax dib u habeyn ah laguma sameyn kanaalada iyo faraha ku dhow dhow wabiyada.

Warbixintu waxay kale oo ay sheegtey in loo baahan yahay in wax laga qabto qashinka wabiga guntiisa fadhiya iyo kuwa jiinka wabiga si loo yareeyo saameynta ay yeelan karaan daadadkan dhibka weyn geystey.

Dhanka kale, Quoc Nguyen, oo ah Madaxa Hay'ada Qaramada Midowbey ee UNICEF ayaa sheegey in dadaad ka dhacey koofurta Itoobiya in ay dileen 119 qof, boqol iyo toban kalena ay ku qasbeen in ay baro Kacaan.

Waxaa uu intaa ku darey in xaaladdu ay ka sii dareyso iyadoo cuduro halkaa ka bilowdey ay iyana saameyn ku yeesheen dadka ay daadadku dhibka u geysteen.

Waxaa uu sheegey in cudurada hadda dilaacey in ay ka mid yihiin cudurada neefmareenka iyo Shubanka.

Shaqaalaha badbaadinta ayaa lagu soo waramayaa in ay doomo iyo diyaarado isticmaalayaan si ay isugu dayaan in ay gaaraan guryaha ay daadadku go'doomiyeen.

Hay'adda Qaramada Midowbey ee UNICEF ayaa dadka u qeybineysa daawooyin, cunno iyo qalab biyaha lagu nadiifiyo oo ay ka soo dajisey dalka Jabuuti.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.