BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 22.05.2003 - 17:28 Wakhtiga London
Biyo Yaraan ka taagan Hargeysa

Axmed Siciid Cige - BBCOnline

Biyo yaraan xoog leh ayaa ka taagneyd dhawrkii maalmood ee u danbeeyeyba magaalada Hargeysa .

Afartii maalmood ee u danbeeyeba waxay dadweynaha ku nool xaafadaha magaalada Hargeysa la legdamayeen dhibaatada biyo la'aanta oo aad usoo noqnoqotay sannadahan danbe. Beryahan danbeba waxaa jirtay in biyuhu ay kaltan ahaayeen oo xaafadaha magaalada kolba xaafad loo soo daayo iyado ay
biyuhu ka maqnaadaaan xaafadaha qaarkood maalmo.

Hase yeeshee afartii maalmood ee u danbeeyay arrintu way ka sii dartay oo waaba la waayay biyihii, marka laga reebo meelaha taangiyada keydka weyn leh oo iyana hadda gabaabsi ah. Maanta waxaan ku arkay xaafado kala duwan oo magaalada ah dadkii oo ku wada fooggan biyo dhaamis oo wada laalaadsanaya jirikaannada biyaha, qaar hela iyo kuwo waayaba.

Waxaan arkay gawaadhi kuwo yaryar iyo kuwo waaweynba oo weelkii biyuhu xagga danbe u saaranyihiin oo ama biyo lagu soo dhaamiyay ama lagu raadinaayo. Dadkaasi nooc walba way isugu jireen , waxaan arkay mudanayaal baarllamaanka ah, dumar, dhallinyaro iyo aqoonyahan. Waxaana la ii sheegay in xaafadaha ku yaalla godanka ee magaalada Hargeysa ay xalay niskii danbe woxoogaa biyo ahi u soo dhaceen .

Maareeye kuxigeenka Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Axmed Ismaaciil Jaamac oo aan saaka ugu tegay xafiiskiisa ayaa wuxuu ii sheegay in cillad farsamo ay ku timid mishiinnada qaarkood oo maareeyihii wakaaladda iyo enjinneeradiiba ay maalmahanba ku maqnaayeen halka ay yaallaan mishiinnada
ee Geed Deeble oo 30km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada. wuxuu sheegay in dhakhso loo helaayo biyaha. Sannadahan danbe waxay ahayd dhibaatada biyo la'aantu mid ka taagneyd Hargeysa, waxayna ku sababeeyaan badanaa masuuliyiinta dawladdu magaalada oo aad u fidday iyo dadkii oo batay.

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cumar Maxamed Xanddulle BOOBE oo u warramayay Arbacadii weriyayaasha, wuxuu u sheegay in hay'ad lagu magacaabo AFRICAN SEVENTY ay bisha Julay kowdeeda bilaabi doonto mashruuc in badan la sugaayay oo lagu ballaadhinaayo biyaha Hargeysa, kaasoo uu sheegay inay ku bixi doonto laba milyan oo ah lacagta EURO-ga. Mr. Boobe wuxuu sheegay in mishiinnada yaalla Xarunta Biyaha ee Geed Deeble la isku wada xidhi doono dab-dhallintooda, iyadoo haatan 12ka mishiin ee kala saaran 12ka ceel uu mid waliba goonnidiisa u taaganyahay oo uu shidaal badani ku baxo.

Maareeyaha Guud wuxuu kaloo sheegay in dhuun saddexaad oo weyn oo biyaha ah la sameyn doono, haamo keyd ah oo waaweyn, mishiinno casri ah, iyo nidaam telifoon oo ceelasha kala durugsan wada xidhiidhiya, taasoo uu sheegay in biyuhu ay noqon doonaan kuwo magaaladu hesho 24ka saacadoodba.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.