BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 03.06.2003 - 06:59 Wakhtiga London
Dad qaxooti ah oo doonyo ku galey dalka Talyaaniga

Aden Sabrie - BBCSomali.com

Hawada oo ficaan iyo badda oo daggan ayaa waxaa ey sababayaan in doonyo badan oo sida dad muhaajiriin ey ku soo qulqulaan xeebaha konfurta Talyaaniga.

Ku dhawaad kun qof oo u kala dhashay dalal kala duwan ayaa 48 saacadood ee dambeeyey soo gaaray xeebaha ku yaal gobolada konfurta Talyaaniga.

Dadkaasi waxa la sheegay inay u kala dhasheen Soomaaliya, Kurdistan, Pakistan, Mauritania, Sudan, Falastiin, Hindiya, Gana, Ciad iyo Liberia. Iyago saarnaa doonyo laga naxaayo sida ey u baaba'san yihiin ayaa dadka muhaajirinta ah qaarkood, waxaa u soo gurmaday ciidamada xeebaha ilaaliya ee Talyaaniga inta aanay la gaddomin doomaaha, qaar kalena waxaa u suurogashay inay soo gaaraan ilaa iyo xeebta.

Doon aad u yar oo dhererkeeda lagu qiyaasay 15 mitir waxaa ciidamada xeebaha ilaaliya ee talyaaniga ey ku arkeen uguna soo gurmadeen meel konfur kaga aadan jasiiradda yar ee la yiraahdo Lampedusa ee ka tirsan gobolka Sicilia.

Waxa saarna 200 oo qof oo isugu jiray Soomaali, Ciraaqiyiin iyo Falastiniyiin.

Waxaana ka mid ahaa laabatan dumar oo mid xaamilo tahay iyo labaatan caruur. Saacadihi ka horreyey doon siday 137 qof oo la sheegay inay Soomaali yihiin ayaa soo gaartay isla jasiirada Lampedusa. Waxaana dadkaasi ka mid ahaa saddex dumar ah, saddex caruur iyo cunug muluq ah.

Xeebaha gobolka kale ee la yiraahdo Calabria waxaa ku soo caariday doon nooca kalluumeysiga ah oo ey la socdeen ka badan 200 oo Kurdiyiin ah. Boqolaalkaasi muhaajiriin oo naftooda ku soo biimeyey doonyo bolol ah oo bakhtiyaa nasiib ah ee soo gaaray xeebaha talyaaniga waxaa la kala geeyey xeriyaha lagu hayo dadka bilaa sharciga, halkaasi oo lagu baari doono heybtooda iyo xaaladooda.

Inkasto dawladda midig dhexe ee Talyaaniga ey soo saartay sharci mudnaanta kowaad siinaya in tallaabo adag laga qaado soo galowga bilaa sharciga, ayaa haddana waxaa isdhimi là muhaajiriinta bilaa sharciga ah ee iskudeyeysa inay soo galaan dhulka Talyaaniga.

Waxaana la qabaa in dadkaasi badankooda ey ka soo tahriibaan xeebaha waqoyiga Afrika.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.