BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 08.06.2003 - 10:39 Wakhtiga London
Shuban ay dad ku dhinteen Boosaaso

Axmed Kismaayo - BBCSomali.com

Waxa magaalada Bosaso ka jira shuban ay ilaa hadda u dhinteen ugu yaraan 8-qof inta la og yahay,hase ahaatee soo riday dad intaa ka tira badan,waxana jira dadaal ay wadaan hay'adaha caafimaadka,kuwa samafalka iyo maamulkuba kuna saabsan sidii loo hakin lahaa shubankan.

Shubankan oo ilaa hadda baaritaan ayaa lagu hayaa ilaa iyo haddana lama xaqiijin inuu yahay xanuunka kallooraha iyo inuu yahay shuban caadi ah.

Dadka uu ku dhacay shubankan waxa uu ugu badan xaafado ku yaal daafaha magaalada Bosaso oo ay ku nool yihiin dad dan-yar ah oo ka soo barakacay koofurta Somaliya, kuwaasoo siyaabo kala duwan ugu nool magaalada Bosaso.

Agaasimaha isbitalka Bosaso Dr:Ciise Axmed Xaaji ayaa ka warramaya dhibaatada ilaa iyo haatan uu gaystay subankan, meelaha uu sida gaarka ah uga jiro iyo weliba waxyaabaha ilaa haatan laga qabanayo si loo hakiyo shubankan, waxana uu yiri isagoo arrimahaas ka hadlaya.

'Shubankan hadda Bosaso ka jira waa shuban cusub oo soo kacay, meesha la yiraahdo Askar Camp ayaa waxa ku dhintay ilaa siddeed qof, waxana la billaabay in nadaafaddeeda aad looga shaqeeyo, hadday tahay dhinaca biyaha ama dhinaca musqulaha intaba'

Meelaha la sheegayo inuu sida aadka u saameeyey shubankan waxa ka mid ah meelaha loo yaqaan boqolka-buush, Askar-Camp, Buulo eelaay iyo meelo kale.

Goobahaas oo aan saaka booqday qaarkood waxan ku arkay dad aad u tira badan una badan dumar iyo carruur kuwaasoo u hoyda dhamaantood guryo ka samaysan baakado ama kartoonnada alaabada lagu keeno iyo caleemaha geedka Timirta.

Xalwo Sh. Beddel oo ka mid ah dadka halkaas ku nool oo aan la kulmay ayaan waydiyay inta ay la egtahay waxyeellada uu shubankani u gaystay xaafadda ay ku nooshahay. Hadalkeediina waxaa ka mid ahaa,

'dadka sida uu hadda u haayo daacuunka ciyaalka ayay u badan yihiin,oo labaatan ilaa soddon ayay u dhexeeyaan kuwaasoo u badan geerida, dadka waawayn afar qofood ugu yaraan oo laba saaka la qaaday laba kalana ay dhimatay ayaan ogahay'.

Magaalada Bosaso ayaa inta badan waxa caado ah in xilliga kulaylaha uu ka dillaaco shuban kaasoo mararka qaarkoodna isu beddela cudurka daacuunka dhibaata badanna u gaysta dadka.

Sababaha ugu waawayn ee loo aanaynayo faafidda shubanka ama daacuunka ee magaalada Bosaso ayaa waxa ka mid ah biyaha aan nadiifka ahayn ee ay dadku isticmaalaan.

Hase ahaatee tan iyo intii hay'adda Gumco ee biyagalintu ay ka hawlgashay magaalada Bosaso waxa jiray isbeddel arrintaas ku saabsan ka dib markii dad badani ay ka faa'idaysteen isticmaalka biyaha nadiifka ah.

Maamulaha hay'addan Cali Mire Cartan oo saaka aan kula kulmay xaafadda boqolka Buush ayaan ka waraystay siyaabaha hay'addani ay uga qayb-qaadatay helitaanka biyaha nadiifka ah gaar ahaanna meelaha ay ku badan yihiin dadka danyarta ah ee soo barakacay.

Waxuuna yiri,'waxay samaysay kiyosyo loogu tala galay dadka danyarta ah,gaar ahaan dadka koofurta ka soo barakacay, waxa ku dhexyaal kiyosyo ay ka dhaansadaan, taasoo inta badan yaraysay dhibaatooyinkii ka dhici jiray dhinaca caafimaadka, biyuhu waa biyo nadiif ah, soconaaya kolorin leh'.

Waxa haatan magaalada Bosaso ka socda olole looga gol leeyahay hakinta shubankan, maalintii shalay ahaydna waxa xarunta dawladda hoose ee Bosaso lagu qabtay kulan looga hadlayay arrintan.

Kulankan oo uu guddoominayay wasiirka ganacsiga Faarax Dooxa-joog ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta caafimaadka iyo hay'adaha UNICEF, WHO, iyo CARE, Waxana kulankan lagu dhisay guddi isku dhaf ah oo la socda hadba heerka uu marayo shubankan iyo siyaabaha guud ahaan wax looga qaban karayo intaba.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.