BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 10.06.2003 - 07:32 Wakhtiga London
Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
shirka Soomaalida ee Nairobi ka socoda
shirka Soomaalida ee Nairobi ka socoda

Yusuf Xassan - BBCSomali.com

Magaalada Nairobi ee Dalka ayaa maalmahaanba waxaa si isdaba jooga ugu soo qulqulayey Somaali kakala timid Soomaaliya iyo Dalalka dibadda, si ay uga qayb qaataan wajiga seddexaad ee shirka ee lagu wado in uu bilawdo Todobaadyada soo socda.

Labadii maalmood oo la soo dhaafay ayaa waxaa soo gaaray Magaalada Nairobi in ka badan 50 xubnood oo ka socda DKMG oo ay kala hogaaminayeen Rai'sul Wasaaraha DKMG Xasan Abshir Faarax iyo Ra'isul Wasaare ku xigeenka Cismaan Jaamac Kaluun, xubnahaasuna waxay isugu jiraan Xidhibaanno , wasiiro iyo goob joogayaal .

Ujeeda Wafdiga DKMG ayaa Rai'sul Wasaarahu waxa uu ku sheegay in ay tahay in ay shirka xoojiyaan , muujiyaanna midnimada DKMG ah si loo gaaro, ayuu yiri, dhismo Dawlad loo dhanyahay oo Qaran .

Xasan Abshir waxaa kale oo intaas ku daray in lafilayo maalmaha soo socda in ay yimaadaan Magaalada Nairobi Wafdi kale oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DKMG Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Hase yeeshee Masuuliin ka tirsan DKMG ayaa ii sheegay in weli uu jiro Khilaaf u dhexeeya Cabdalla Deeroow Isaaq Gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha Ku meel gaarka ah Cabdi qaasim salaad Xasan arrintaas oo hadda xalinteeda lagu gudo jiro.



Maxamed Cabdullahi
Maxamed Cabdullahi oo ah afhayeenka shirka Soomaalida uga socoda Mbagathi, isla markaasna ah la
tiliyaha gudoomiyaha shirka Soomalida, Bathwel Kibligat, ayaa BBCda u sheegey in imaashaha wafuudan ay tahay arrin wanaagsan oo hididiilo weyn galineysa shirka dib u hashiisiinta Soomaalida.

Gudoomiyaha Shirkuna uu sheegey, ayaa uu yiri Maxamed,in khilaafka dowladda Ku Meel gaarka dhexdeeda uusan wax faa'iido ah laheyn.

Sidoo kalena kooxahaa kale oo hore u mudeysaa in ay is sii khiaafaan ay iyadana maslaxad ku jirtaa aysan jirin.

Afhayeenku waxaa kale oo uu sheegey in xubnihii dowladda ku meel gaarka ah ka joogey shirka in ay muujiyeen asluub wanaag iyo iyaga oo si joogta ah shirka uga qeyb qaata.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.