BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 15.06.2003 - 07:07 Wakhtiga London
Cabdiqaasim oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya
Cabdiqaasim Salaad Xassan
Cabdiqaasim Salaad Xassan

Waxaa shir jaraa'id oo ballaaran xaruntiisa ku qabtay madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, halkaasoo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka kooxaha Soomaalida hadda uga socda dalka Kenya.

Shirkaasi jaraa'id oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dowladda KMG ah, ayuu madaxweynaha dowladda, Cabdiqaasim Salaad Xasan, kaga hadlay arrimaha hadda ugu culus ee aragtida dowladdiisa ee shirkaasi.

Cabdiqaasim waxa uu sheegay in aanay dowladdiisu sinnaba u aqbalaynin in Soomaaliya loo kala qaad-qaado gobollo ama in shirka hadda kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya uu noqdo mid tarjumaaddiisu noqoto shir koofur Soomaaliya ay leedahay, wuxuuna si caro leh Cabdiqaasim uga hadlay shirka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid ay dowladdiisu codsatay.

Cabdiqaasim waxa kaloo uu sheegay in hadda muranka socda ee ku saabsan in dalka magaciisa uu noqdo Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ahayn wax suurtogal ah waqtiga la joogo, waayo wuxuu yiri weli ma kala cadda sida federaalkaasi noqonayo, soohdimaha gobollada iyo waxyaabo kaloo badan, sidaasi darteed waxa uu muujiyey in federaal lagu soo boodo uu ka dhigan yahay in Soomaaliya la doonayo in ay fowdo dib u gasho oo qabiilba qabiil qabsado iyo gobolkan annagaa iska leh iyo wax la mid ah oo ujeeddooyin gurracan laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiqaasim waxa uu sheegay in uu oggolyahay in dowlad KMG ah la sameeyo kaddibna ay labo sano kaddib iyadu diyaariso nidaamkii federaalka ahaa ee mustaqbalka dalka lagu xukumi lahaa oo dadkana loo diyaariyo noocaas siyaasadeed.

Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu si weyn u eedeeyey dowladda Itoobiya iyo weliba dowladda Mareykanka oo sida uu sheegay u dadaalay sidii Soomaaliya loo baabi'in lahaa iyadoo lagu soo dhuumanayo magaca argagaxiso, dabadeedna la baabi'iyo dowladdiisa iyo magaca Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu muujiyey in uu dhowaan u kicitimi doono dalka Kenya oo uu sheegay in uu casumaad rasmi ah ka helay madaxweyne Mwai Kipaki.

Ambabaxa Cabdiqaasim ee Kenyana waxa uu ahaa mid hore loo filayey oo dhowr jeerna uu dib u dhac ku yimid sababo aanan la sheegin, waxase uu ka dambeeyey kaddib markii la sheegay in la soo afjaray khilaafkii u dhexeeyey dowladda KMG ah madaxdeeda sar-sare gaar ahaanna madaxweeynaha, ra'iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.