BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 23.06.2003 - 15:12 Wakhtiga London
Rasaas ka dhacday garoonka diyaaradaha Hargeysa

Axmed Siciid Cige - Hargeisa

Saaka abbaarihii 11kii subaxnimo ayay rasaasi ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kadib markii ay soo weerareen garoonka dhallinyaro hubeysan oo la sheegay inay ka careysan yihiin xariga General Jaamac Maxamed Qaalib oo labadii maalmood ee ugu danbeeyeyba ku xirnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa, dawladduna ii sheegtay inay go'aamisay in galbata Jamhuuriyadda la baxday Somaliland laga masaafuriyo Generaalka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo markiiba aan tegay daqiiqado kadib rasaastaasi ayaa waxaan ku arkay ciidamo isugu jiray boliis iyo milleteri oo qaarkood ay wateen hubka culus ee tiknikada.

Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland colonel Cabdilqaadir Muuse oo aan kula kulmay duhurkii madaarka, waxaa uu ii sheegay in dhallinyaro hubeysan oo watay laba gaari oo yar-yar nooca loo yaqaanno MARK II ee fatuuradaha ahi ay dhinaca hawdka ka soo weerareen oo ka soo galeen garoonka, rasaasna ku fureen askartii ilaalineysay halkaasi.

Taliyuhu, wuxuu sheegay in saddex ka tirsanaa dableydaasi iyo saddex askari ay ku dhaawacmeen rasaastaasi la isweydaarsaday.

Taliyaha ciidanka Booliisku, wuxuu kaloo caddeeyay inay qabteen qaar ka mid ahaa dhallinyarada soo weerartay madaarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aden Cusmaan oo isna galabta sheegay isagoo joogay
madaarka in dhallinyaradaasi oo tiradoodu ahayd 8 ruux ay haatan wada hayaan, marka laga reebo ayuu yir mid dhintay.

Wasiirku wuxuu sheegay in generaal Jaamac Maxamed Qaalib ay dawladdu go'aansatay in la mausaafuriyo
oo galabta loo masaafurin doono ayuu yiri dhinaca Jabuuti oo uu isagu codsaday.

Wasiirku, wuxuu uga digay sharikadaha diyaaradaha ee yimaadda Somaliland inaay soo qaadaan shakhsiyaadka caanka ah ee la yaqaanno ee denbiyada ka galay Qaranimada Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed Qaalib oo ah wiil uu dhalay Generaalku ayaa isna ii sheegay maanta in aabihii uu ku jiro jeelka Hargeysa, Madaxweyne Riyaalena buu yiri uu laba qodob inuu yeelo midkood u soo bandhigay oo kala ah in uu ka noqdo federaalka Soomaliya ee uu aaminsanyahay oo sidaasi lagu
sii daayo iyo in la masaafuriyo.

Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed Qaalib, wuxuu intaa ku daray in aabihii Jaamac uu diiday labada qodobba, mar haddii aanay jirin ayuu yiri wax denbi ah oo uu galay oo loo heysto.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir oo BBC-da la hadlay, wuxuu isna sheegay in madaxweynaha
isaga iyo odayaal kale ay ka wada hadleen in Jaamac Maxamed Qaalib la isu dhaafiyo ayuu yiri halkii uu u socday, lana dhawro degenaaanshaha iyo nabadgelyada Somaliland.

Rasaasta saaka la isku weydaarsaday madaarka Hargeysa, waxay dhaawacyo fududi ka soo gaareen oo kale laba diyaaradood oo kala leeyihiin sharikada diyaaradaha ee Gallad Air iyo Daallo Airlines, laakiin ma jirto cid shicib ah oo wax ku noqotay halkaasi oo sida dad goob joog ahaa ay sheegeen in rasaastu ay socotay 15 daqiiqo. Hawlihii madaarka Hargeysa, ayaa baadigoodii ku soo noqday duhurkiiba.

Genaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo lagu qabtay madaarka dayuuradaha ee Hargeysa sabtidii gabbaldhicii, iisagoo ka yimid Nairobi, waxay xukuumadda la baxday Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Guduhu hore u sheegay in loo heysto denbiyo la xiriira –waa siduu hadalka u dhigaye- minjoxaabinta jiritaanka qaranimada Somaliland.


Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.