BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 14.07.2003 - 10:49 Wakhtiga London
Sidee buu u dhacay shirkii labaad ee Midowga Afrika?
Madaxweynaha DKMG-ka oo fadhiya shirka Midowga Afrika
Madaxweynaha DKMG-ka oo fadhiya shirka Midowga Afrika

Yusuf Hassan - BBCSomali.com


Yusuf Hassan
Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa soo gababageeyey shir weynihii labaad ee Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Maputu ee dalka Mosanbiik.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay colaadaha ka aloosan Afrika iyo sida wax looga qabanayo, la dagaalanka cudurka Aids-ka iyo hoos u dhigida saboolnimada ka jirta qaarada Afrika.

Arimahaas oo dhan ayaa waxaa laga soo saarey go'aamo ay ka mid yihiin in la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha, isla markaana iskaashi iyo xiir adag in lala yeesho barnaamijka dalalka hodonka ah ay ku taageerayaan dalalka saboolka ah ee Afrika.

Xagga joojinta iyo ka hortagga colaadaha Afirka ayaa waxay hogaamiyeyaasha Afrika ay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo ciidan nabad ilaalineed oo ay leeyihiin dalalka Afrikaanku.

Iyadoo la qorsheeyey in ciidamo gaaraya ilaa iyo 1,500 in loo diro dalka Liberia si ay uga qeyb qaataan howsha nabadeynt dalka Liberia. Ciidamadaasna waxaa lagu rajaweyn yahay in ay kala kala yimaadaan dalalka waqooyiga Afirka.

Hogaamiyeyaashu waxaa kale oo ay isku afgarteen, in si dhaqso ah wax looga qabto colaadaha ka aloosan dalalka Soomaaliya, Sudan, Burundi, Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Kongo IWM.

Dhanka Soomaaliya waxay hogaamiyeyaasha Afrikaanku dhiiro galiyeen, in la xoojiyo heshiiska dib u heshiisiinta ee Soomalida uga socoda dalka Kenya, iyo in la dhowro midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.

Intii uu shirku socoday, ayaa madaxweyna DKMG-ka, Cabdiqaasim Salaad Xassan waxaa uu jeediyay khudbad uu ku eedeynayo dowladda Etoobiya in ay faragalin iyo xadgud ku heyso dalka Soomaliya, ayna si joogta ah uga xadgudubto cunaqabateentii xagga hubka oo ay Qaramada Midowbey ku soo rogtay Soomaaliya. Ayna hubeyso qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha ka soo horjeeda DKMGka ah.

Isla markaasna waxaa uu sheegey madaweyne Cabduqaasim, in uu isagu isku dayay in uu xiriir wanaagsan la yeesho dowladda Etoobiya, hase yeeshee, ay Etoobiya arrintaa iska indho tirtay.

Cabdiqaasim khudabdiisa waxaa kale oo ku jiray, erayo uu ku amaanay dalka Etoobiya , oo ku sheegay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, ulana dhaqmeen qaxootigii Soomaaliyeed ee dalkooda u boqoolay xilgii uu dagaalka sokeeyo socday. Waxuuna taas uga mahad celiyey dadka iyo dowladda Etoobiya.


Meles Zenawe oo shirka fadhiya
Dhanka kale, Ra'iisal Wasaaraha Etoobiya Meles Zenawe ayaa isna shirka khudbad uu ka jeediyey ku beeneeyey eedeemaha uu Cabdiqasim Salaad Xassan u soo jeediyey dowladda Etoobiya.

Wuxuuna sheegay Zenawe, in dowladda Etoobiya ay had iyo goor ka shaqeyso nabadda dalka Soomaaliya. Waxuuna Ra'iisal Wasaaraha Etoobiya, Meles Zanawe uu ku raacay Cabdiqaasim Salaad Xassan in ay labada dal yihiin dalalwalaalo ah oo daris ah.

Waxay kale oo ay isla garteen madaxdii Afrika ee ku shiray Maputu, in la qaado olole xoog leh oo lagu xakameynayo cudurka Aids-ka iyo cudurada kale oo ay ka mid yihiin duumada iyo qaaxada oo ay u dhintaan sanad walba malaayiin Afrikaan ah.

Waxaa kale oo ay madaxdu isla soo qaadeen, in la dhowro xuquuda caruurta iyo dumarka Afrika, kuwaas oo dhibaatooyin badan ay soo wajahaan.

Hogaamiyeyaasha Afrikaanku waxay dib u dhigeen, qodobo ay ka mid yihiin, qaraaro lagu aasaasayo gole ay Afrikaanku leeyihiin oo ay howshiisu tahay sugidda amaanka iyo nabadda dalalka Afrika iyo barlamaan mideysan oo u dhexeeya dalalka Afrika.

Waxaana qaraarkaas dib loogu dhigay in lagu gorfeeyo shir aan caadi aheyn oo la filayo in la qabto bilaha soo socoda.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.