BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 16.07.2003 - 08:21 Wakhtiga London
Mareykanka oo duqeeyey jasiirad ku dhow Zaylac

Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com

Magaalada Hargeysa waxaa soo baxayay saddexdii maalmood ee u danbeeyay in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ee dawladda Mareykanku ay duqeeyeen todobaadkan jasiiradda la yidhaahdo CEEBAAB ee Somaliland oo ku taalla badda gacanka cadmeed .

Haddaba maanta ayay markii ugu horreysay ka hadashay duqeyntaasi Jamhuuriyda la magac baxday Somaliland .cairo01

Jasiiradaasi la yidhaaho CEEBAAD sida uu ii sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka baddu Axmed Hurre Jaamac waxay 10 KM ka xigta dhinaca woqooyi galbeed magaalada Zaylac ,waxayna ku taallaa ag-agaarka jasiiradda kale ee weyn ee la yidhaahdo sacaada-diin.

Agaasimaha guud wuxuu sheegay in Axadii dhoweyd ee 13kii july ay diyaaraaha dagaalka ee ciidanka cirka ee dawladda mareykanku oo ay filayaan inay ka soo kaceen saldhigooda magaalada Jabuuti amaba maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda ay duqeyn lixaad leh ku garaaceen bamam jasiiradda ceebaad iyo bada ag-agaarkeeda ah .


Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Somaliland Axmed Hurre Jaamac wuxuu intaa ku daray in maamulka wasaaraddiisa ee degmaa Zeylac iyo boliiska Somaliland ee aaggaasi joogaaba ay u soo xaqiijiyeen duqeyntaasi diyaaraaha dagaalka ee Mareykanka ee jasiirada Ceebaad.

Wuxuu sheegay in nasiib wanaag waqtiga diyaaradahaasi ay wax Duqeynayeen aanay ku sugneyn jasiiraddaasi dadka kalluumeysatada ah oo badi isticmaala ayuu yidhi aagaasi iyadoo ay ugu wacneyd xilligan xagaaga ee bad xidhanka oo dabeylo xoog lihi ay dhacayaan.

Hase yeeshee Agaasimaha Guud wuxuu caddeeyay in ay jiraan khasaare xagga deegaanka ah oo noole badeed badani uu ku dhintay duqeyntaasi.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyradka badda ee Somaliland waxay kaloo warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay, in jasiiradaha Ceebaad iyo sacaada-diin ee Somaliland ay ka tirsanyihiin goobo urur goboleedka badda cas iyo gacanka cadmeed ee ilaalinta deegaanka baduhu uu u calaamadiyay in lagu ilaaliyo noolaha kala geddisan ee badaha, kana caagan waxyeelleynta deegaanka badda oo seero badeed loo aqoonsanaa.

Warsaxaafadeedkaasi wasaaradda kalluumeysiga waxaa kaloo lagu sheegay in ay ka xun yihiin in dhibaato loo geysto deegaankaasi muhimmadda gaarka ah u leh bay yidhaahdeen gobolka badda cas iyo gacanka cadmeed .

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.