BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 14.08.2003 - 16:13 Wakhtiga London
Muqdisho: Kooxo rasaas isku furey

Xasan Barise - BBCSomali.Com

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Khamiistii gelinkii dambe ay labo kooxood oo maleeshiyo ahi ay isku haleeleen waddada Taleex ee degmada Hodon, halkaasoo ay rasaas xoog leh isku dhaafsadeen.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ugu yaraan ay afar qof ay halkaasi ku geeriyoodeen lix kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka geeriyoodey waxa ay u badnaayeen maleeshiyadii is-raadsanaysay, kuwaasoo labaduba kala watay min hal bas oo ah kuwa caasiyada loo yaqaanno.

Waxaa sidoo kale dadkaasi dhintay ka mid ah nin si weyn magaalada Muqdisho looga yaqaanay oo la yiraahdo Cabdullaahi Maxamed Cali oo si weyn loogu sii yaqaannay Cabdullaahi Dhaxan.

Goobjooge halkaasi joogay oo aanan doonaynin in magaciisa la sheego ayaa sheegay in dhallinyarada kala wadataty labada caasi ay rasaasta isku billaabeen mar qura. Ilaa iyo hadda weli lama yaqaanno cidda weerarkan ka damabaysay iyo sababta toona.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay Khamiistii gelinkii dambe markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka kooban saddex xubnood oo uu hoggaaminayo Maxamed Cabdi Afey oo ah danjiraha ay dowladda Kenya u soo magacawday dalka Soomaaliya iyadoo ay wehlinayaan Dr Cali Baashi iyo Cabdi Bashiir Warsame oo labaduba ka kala tirsan goleyaasha dowladda KMG ah oo hadda Nairobi ka soo raacay danjiraha.

Waxaa la filayaa in socdaalka wafdiga uu la xiriiro sidii dib nolol loogu gelin lahaa shirka dalka Kenya uga socda Soomaalida ee ay hareeyeen dhibaatooyinka siyaasadeed.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.