BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Ceel-Buur oo lagu diriray

Farxiya Cali Qaajo - Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud ay ku dagaallameen malleeshiyooyin ka soo jeeda laba beelood oo halkaa wada dagan. Dagaalkaas oo maanta dhacay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan shan iyo toban.

Wararku waxay intaa ku darayaan in labadan beelood ee maanta ku dagaallamay Ceel-Buur ay hore dagaallo u dhex mareen, iyada oo kii ugu danbeenbeeyay uu dhacay bartamihii bishii hore.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta labada beelood ka tirsan ayaa ku guuleystay bishii hore in ay joojiyaan dagaalkaas, hase ahaatee, dagaalka halkaa ka soo cusboonaaday maanta, ayaa ku soo beegmay iyada oo odayaasha labada dhinac ay ku howlan yihiin dhameynta khilaafaadka uu markii horeba ka dhashay dagaalku.

Xil-dhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow oo ka mid ah odayaal waan waan ka dhex waday labada beelood ee is dilay ayaa BBC-da u sheegay in maalinta Arbacada ee soo socota ay odayaasha labada dhinac u balansanaayeen in ay ka wadahadlaan arrimaha dagaalada oo ay hadda ka hor ku guuleysteen in xabad joojin laga sameeyo.

Waxaa kale oo uu xidhibaanku ugu baaqay labada dhinac in ay si deg deg ah xabadda u joojiyaan, maadaama dagaalku wax faa'iida ah u lahayn dadka walaalaha ah ee deegaanka ku wada nool.

Dagaallada soo noqnoqday ee deegaanka Ceel-Buur ayaa la sheegyaa in uu markii ugu horeysay ka bilowday ceel ay xoola dhaqatada labada beelood ka wada cabbaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin