BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 Abriil, 2004, 10:45 GMT; 13:45 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Hargeysa oo dhibaato shidaal ku timid
 
Axmed Siciid Cige-BBCSomali.Com

Muddo todobaad ahba waxaa laga dareemayay magaalada Hargeysa dhibaato xagga batroolka ah. Badi kaalmaha shidaalka ayaan heyn batrool amaba qaali ku iibinayey. Gawaadhida ayaa la dareemayay subaxnimadii Isniinta inay dariiqyada ku yaraayeen.

Dad kala duwan ayaa ii BBC-da u sheegey in sababtu tahay batroolka oo kala go’ay . Xuseen Cismaan oo ah maamulaha kaalin shidaal oo ku taalla badhtamaha magaalada ayaa BBC-da u sheegay in sharikadaha keena batroolku ay qaali gareeyaan, si is daba joog ah oo ay todobaad walba kordhinayaan sicarka.

Qiimaha Shidaalka

Waxa uu Mr Cusman uu sheegey oo kale in foostada Batroolka oo afar bilood ka hor ay ku soo iibsan jiren $67 doolar ay hadda matreyso $85 doolar, halka ay foostada Naaftada ah oo iyaduna ahaan jirtey $60 doolar ay hadda mareyso$68 doolar.

Mid ka mid ah ganacsatada shidaalka ee kaalmaha ku leh Hargeysa ayaa isna
BBC-da u sheegay in sababta keeneysa dhibaatada shidaalka ee soo noqnoqotay ay tahay ilaalinta iyo kontoroolkii dowladda ee shirakadaha soo dejiya shidaalka oo ka baxay meesha.

Taasoo keentay in shidaalku uu qaaligarobo iyo kala go’ joogta ah. Waxaa muuqata in kaalmaha iibiya batrooku laftoodu ay ka faa’iideysanayaan fursaddan kala go’ batroolka oo ay sii qaali gareeyeen wixii yaraa ee ay hayeen ee u
keydsanaa.

Isniintii tobanka litir ee batroolka ahi wuxuu ka marayaa Hargeysa afartan kun oo shiliinka Somaliland ah, halkii ay ka ahaan jireen soddon kun .

Xasan Xaaji Maxamuud oo ah maareeyaha shirikadda Red Sea ee soo dejisa
batroolka oo isaga oo jooga Berbera BBC-du tefan ku wareysatey ayaa sheegey
in batroolku uu seyladaha caalamiga ah ka qaali garoobay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland Ing. Maxamed Xaashi Cilmi oo wax laga weydiiyey dhibaatadan shidaal yarida ee soo noqnoqotay wuxuu ii
sheegay in shidaalku hoos yimaaddo madaxtooyada.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin