30 Sebtembar, 2004, 15:04 GMT; 18:04 SGA
Marxuum Xassan Cabdull Qalaad, wuxuu sanadkii 1945-tii ku dhashay magaalada Beledwayne ee caasimadda gobolka Hiiraan, waxaa uu ifka kaga 8 caruur oo isugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen iyo laba xaas.
Waxbarashada hoose, wuxuu ku qaatay magaalada Buula-burte, markaasi kadib waxaa uu ku biiray ciidamada, kadib markii loo bedelay magaalada Burco ayuu ku qaatay waxbarashadiisa dugsi dhexe iyo aqoondarsi.
Xassan Cabdulle Qalaad, waxaa uu tababar ku qaatay kuliyadii ciidamada ee jaale siyaad, oo sarkaalnimo uga qalinjabiyay, waxaa uu qaatay layli sarkaal, iyadoo uu macalin ka noqday kuuliyada ciidamada ee Axmed Gureey, waxaana uu markii dambe noqday tababare lidka diyaaradaha ah.
Allaha u naxariistee, Guddoomiyihii gobolka Hiiraan, wuxuu Jabhadii USC ee ka soo horjeeday dowladdii dalka ka talinaysay ku biiray sanadkii 1989.
USC, ayaa markii ay dalka intiisa badan qabsatay u magacawday in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, iyadoo xilligii Unosom loo doortay laba sano guddoomiyaha gobolka, taasoo Beelaha gobolka dega la sheegay in ay dib ugu doorteen in guddoomiyaha gobolka uu sii ahaado.
Xassan Cabdulle Qalaad, wuxuu Guddoomiye ka noqday isbahaysi siyaasadeed oo la baxay Hiiraan political aliance, kaasoo ahaa isbahaysi ay ku midoobeen beelaha gobolka hiiraan dega, waxaana uu ka mid ahaa saxiixayaashii heshiiskii nabadeed Eldoret, iyo xildhibaanadii loo soo xulay in ay ka mid noqdaan baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, xilkaasi oo aan loo dhaarin maadaama uu xanuunsanaa.
Intii uu xanuunsanaa marxuumka, waxaa ku sime uu u ahaa Cali Cabdullaahi Cosoble, oo iiga waramay taariikhda marxuumka, waxaanan waydiiyay sida ay ahayd shaqsiyadda marxuumka.
Waxaa uu sheegay in Xassan Cabduule Qalaad uu ahaa nin nabadda jecel oo aan marnaba ka tagin shirka Soomaalida ah uga socday muddada labada sano ah, uuna aaminsanaa isku xukunka demoqraadiga ah ee Soomaaliya.