http://www.bbcsomali.com

20 Februweri, 2005, 16:08 GMT; 19:08 SGA

Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta iyo naadiyada in ka badan sideed iyo labaatan kooxooda iyo qaar badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo uu gudoominayay ku xigeenka Godoomiyaha Olibkada Soomaaliyeed, Aden Xaaji Yabarow Wiish ayaa waxaa maanta lagu dooranayay Godoomiyaha Xiriirka Soomaalyeed ee kubadda Cagta, Bashiir Maxamed Jaamac.

Dhamaan xubnihii shirka joogay waxay si isku mid ah jagadaas ugu soo sharaxeen oo ay isku raaceen in ay u doortaan jagadda Gudoomiyenimada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Bashiir Maxamed Jaamac, oo ku magac dheer Bashiir Goobe.

Bashiir Goobi waxaa uu caan ku ahaa garsoorenimada kubbadaha cagta iyo koleygu, waxaa uu uu xilka kala wareegi doonaa Faarax weheliye Caddow Sindico.

Doorashadani waxay ka dambaysay shir maalmahan magaalada Muqdisho uga socday guddiyada cayaaraha soomaaliyeed ee dhamaan naadiyada iyo goboladda dalka Soomaaliya.

Bashiir Goobe waxaa jagaddan ka hor xubin ka ahaa xiriirada kubadda Cagta iyo Olobikada ee Soomaaliyeed, waxuuna muddo dheer ku howlanaa abaabulka cayaaraha dhalinyada Soomaaliyeed ee lagu qabto dalka Dibadiisa.

Dad ciyaaraha la socda waxay sheegayaa in Bashiir Goobe uu wax weyn ka bedelin doona nidaamka ciyaarta kubadda cagta ee Soomaaliyeed. Dadka yaqaana waxay intaa ku darayaan in uu Bashiir Goobe Xiriir wanaagsan la leeyahay dhamaan bulshada ciyaartooda, maamulka iyo xiriirada caalamiga ah ee ciyaaraha.