|
Cabdullaahi Yusuf oo degey Villa Somalia | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed waxaa uu ka degey magaalada Muqdisho iyada oo aan hore loo sii sheegin. Madaxweynaha waxaa markiiba loola cararay Villa Somalia, waa xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay madax ka tirsan dowladdiisa. Waxaa uu sheegay in aanuu Muqdisho u imaan socdaal gaaban, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay iska illoobaan wixii hore u dhacay. Laakiin hadal oo markii dambe siiyay idaacadda al Jazeera, ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in aanuu Maxkamadaha Shareecada la yeelan doonin wax wadahadal ah. Socdaalka Madexweynaha Socdaalka Madaxweynuhu wuxuu noqon karaa billowga dhammaadkii dhibkii Soomaaliya ka hayay dowlad dhexe oo shaqeysa la'aanteed. Haddiise uu socdaalkani fashilmo waxaa laga yaabaa in ay sii fogaato xalka mushkiladda Soomaaliya, oo ay dadka qaar u arkaan in soo gelitaankii ciidammada Ethiopia uu uga daray, ugu yaraan ammaanka Muqdisho. | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||