BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
03 Disembar, 2007, 11:40 GMT; 14:40 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Gillian Gibbons oo la cafiyay
 
gibbons
Gillian Gibbons waxay macalimad ka ahayd Khartoum
Haweeney macallimad iskuul ka ahayd Sudan ee Gillian Gibbons, oo lagu xakumay 15 maalmood oo xabsi ah kaddib markii ay carruurtii ay macallinka u ahayd u oggolaatay in boombalo ay carruurtu ku ciyaarto ay u bixiyaan Muxammad, ayaa waxaa cafis u fidiyey madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir.

Cafiskani waxa uu yimid kaddib markii madaxweynaha Sudan uu la kulmay xubno ka socday baarlamaanka dalkan Britain, Lord Axmed iyo Baroness Warsi, kuwaasoo Khartoum u aaday in ay u ololleeyaan sii deynta haweeneydaasi ka hor inta aanan la xirin.

Warbixin ay sii deysay Gibbons ayaa waxa ay ku tiri "waxaan xushmad weyn u hayaa diinta Islaamka, mana ahayn in aan ogaan qofna u gefay, waana ka xumahay haddii aan sababay wax dhibaato ah"

Waxay tiri waxaan ku faraxsanahay in aan arko qoyskeygii iyo asxaabteydii, laakiinse waxaan aad uga xumahay in aanan awoodin in aan dib ugu soo laabto Sudan oo aan ka shaqeeyo iskuulkii aan macalimada ka ahaa.

Ra'iisul wasaaraha Britain Gordon Brown oo ka hadlay sii deynta haweeneydaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay.

Gibbons ayaa lagu wareejinayaa safaarada Britain ay ku leedahay maagalada Khartoum.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin