BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
29 Disembar, 2007, 12:11 GMT; 15:11 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Abdullahi Yusuf oo gaarey Nairobi
 
somali
Madaxweyne Abdullahi Yusuf
Madaxweynaha DKGM ee Somalia Abdullahi Yusuf Ahmed ayaa maanta gaarey magaalada Nairobi, kadib socdaal dhinaca baarista caafimaadkiisa ah oo uu ku tagay magaalada London.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Somalia ay ku leedahey Nairobi ayaa BBC u sheegay in madaxweynuhu yimid magaalada Nairobi.

Safiirka Somalia u jooga Kenya Mohamed Ali Ameerika ayaa sheegey in madaxweynuhu uu u gudbi doono magaalada Beydhaba, halkaasi oo fadhi u ah dowladda KMG ah ee Somalia.

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa dhawr todobaad ku sugnaa Isbitaal ku yaalla magaalada London, halkaasi oo baaris caafimaad lagu sameynayay, isagoo horey u soo maray Isbitaalka Nairobi oo isna looga daweynayay hergab ku xumaaday Madaxweynaha.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin