BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 May, 2008, 17:28 GMT; 20:28 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Wareysiga qoraaga Nuruddin Farah
 

 
 
nuruddin
Nuruddiin Faarax waxa uu isku dayay inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac
Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuruddiin Faarax ayaa waxa uu sheegay in kooxaha siyaasadda Somalia isaga soo horjeedda ay wali u fakirayaan sidii qabqablayaashii dagaalka.

Nuruddiin Faarax oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirar badan oo Soomaalidu ay isugu timid kadib ay weli wax is beddel ah ku iman, sidii ay kooxaha Soomaalida u fakiri jireen iyo shuruudihii ay isku xiri jireen.

Qoraagu waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda ay ku eedeeyso maxkamadaha inay aragagaxiso yihiin, halka mucaaradkuna ay leeyihiin ma aqoonsanin wax dowlad la yiraahdo, haddana ay wada kulmayaan iyadoo ay dad ajnabi ah dhexdhexaadinayaan.

Nuruddiin Faarax waxa uu sheegay in loo baahan yahay in xal loo helo dhibaatada Somalia, isagoo intaa raaciyay waa in lala xisaabtamo qolyaha keenay ee u ogolaaday in Ethiopia Somalia ay soo gasho, oo uu ku tilmaamay inay dambi tahay.

Qoraaga ayaa sheegay in isagu uu haatan ka hor isku dayay inuu dhexdhexaadiyo dowladda iyo maxkamadihii xilligii ay joogeen, balse ay suurta geli weysay, isagoo xilligaasi uga digay sida uu sheegay dowladda iyo maxkamadaha haddii aanay heshiin in Muqdisho lagu dagaallami doonno Ethiopiana ay soo geli doonto.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin