BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 May, 2009, 00:12 GMT; 03:12 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Wasiirka ammaanka oo eedeeyey Eritrea
 

 
 
Wasiirka ammaanka qaranka: Cumar Xaashi Aadan
Wasiirka ammaanka qaranka: Cumar Xaashi Aadan
Wasiirka Ammaanka Qaranka Somalia, Cumar Xaashi Aadan ayaa ku eedeeyey Eritrea in-ay hub ka dajisay Balli-doogle si ay usii huriso colaadda jirta, una xagal-daaciso DKMG ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Talaadadii iyo Jimcihii lasoo dhaafay ay laba diyaarado oo wada saanado hub ah ka dageen garoonka Balli-Doogle ee ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose.

Wuxuuna wasiirku intaas ku daray in markii uu isagu ka tirsanaa kooxaha muqaawamada, ee ay saldhigga ku lahaayeen dalka Eritrea, in Asmara ay u sheegi jirta ineysan hub geyn karin Somalia.

"Horeba waa u caddeysatay dowladda Eritra, ineysan dowlad Soomaaliyeed dhalan," ayuu si kulul u yiri wasiirka. Eritrea waxaydooneysaa buu yiri "Somalia inay noqoto meel fowdo ah. Somalia inay noqoto meel ay muqaawamooyin Somali ah iyo dowladda Ethiopia ku hardamaan."

Wasiirka ayaa sheegay in dalal loo tirin jiray inay cadow ku yihiin Somalia, ay hadda daneynayaan inay nabad ka dhalato dalka. Wuxuuna dowladda Eritrea uga digay inay hagardaameyso Somalia, wuxuuna sheegay in madaxda Eritrea ay isticmaali jireen baasaboorro Soomaali ah, markii ay mucaaradka ku ahaayeen dowladda Ethiopia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin