BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
08 Juun, 2009, 19:43 GMT; 22:43 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Raage aabihii uu ku geeriyooday Hargeysa
 

 
 
Oomaar
Raage Oomaar waxa uu ka mid yahay carruurta Cabdullaahi Oomaar
Kumanaan ka tirsan Dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa ayaa galabta ka qayb galay Aaska Cabdullahi Oomaar Cawaale oo ahaa ganacsade iyo siyaasi dadka soomaalida caan ku ahaa, Oo shalay ku geeriyooday Hargeysa.

Allaha u naxariistee Cabdullaahi Oomar Cawaale waxaa galabta lagu aasay xabalaha Boqol jire.

Ee duleedka magalada Hargeysa , iyadoo ay soo gelbiyeen boqolaal baabuur iyo dad kumanaan ahaa oo xabaasha yimid. Warsaxaafadeed ay qaybiyeen qoysku aya lagu sheegay taariikhdiisa.

Cabdillaahi Oommar ku dhashay magaalada Luuq ee Koonfurta Somaliya 1932kii isagoo waxbarashadiisana ku qaatay magaalada Sheekh iyo magalada Cadan . wuxuu u bayray xagga ganacsiga isagoo la shaqeeyay Jirdde Xuseen kadibna Aasaasay sharikaddii ugu horreeyasay Oomaar.

Markii danbe ee gobanimadii 1960kii u wareejiyay tijaaraddiisii magalada Muqdisho. Cabdullaahi Oomaar wuxuu sida lagu sheegay Warsaxafadeedka 1967kii ganacsigisii u wareejiyay London isagoo mar kale 1974kii

Dib uga furay haddana ganacsigiisii dalka gudihisa. Waxaa Cabdullaahi Oomaar lagu Xusustaa Inuu madbacaddii ugu horreysay ee casri ah ka hirgeliyay Hargeysa gobanimadii ka hor 1957.

Cabdullaahi Oomaar xagga siyaasadda waxaa lagu xususaan doonaa inuu ka mid ahaa Asaasayaashii ururkii dhallinyarada dugsiyada ka soo baxda ee loo yaqannay Al-Madar isagoo 1953kii ilaa 1958kii noqday guddoomiyihi ururkaasi oo qayb weyn ka soo qaatay xornimadii dalka.

Cabdullaahi oomaar wuxuu si Rasmi ah usoo degay oo ugu soo noqday Somaliland 1996kii isagoo Doorashadii 1997kii isu taagay doorashadii madaxweynaha laakiin dastuurka Somaliland ayaa sheegay inaanuu labadii sano ee ugu danbeeyay joogin Somaliland gudaheeda tasoo ka hor istaagtay Musharraxnimadii Madaxweynaha Somaliland.

Warsaxafadeedka waxa lagu sheegay in Cabdullaahi Oomaar qayb weyn ka soo qaatay Hawlo badan oo Samafal ah iyo dhinaca waxbarashada gaar ahaan ku dhiirrigelinta hablaha .

Wuxuu Cabdullaahi oomar ka tegay Xaas iyo Afar Caruur ah; Raage Oomaar oo ah Suxufi caalami ah iyo Raaqiya oomaar oo ah gabadh caan ah oo u doodda xuquuqda Adamaha oo labaduba galabta Joogay Aaska Aabahooda , iyo Maxamed Cabdullaahi Oomaar Wasiirka Arrimaha dibedda ee dawladda KMG ee Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin