BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Shirka maxakadda caalimiga
 
Wafuud ka kala socda in ka badan boqol dal ayaa ku sugan caasumadda Kampla ee dalka Uganda.

Halkaas oo ay uga wadaxaajoodaan waxyaabaha u qabsoomay maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC sideedii sanadood ay maxkamadaasi jirtay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon iyo madax kale ayaa ka qeybgelaya shirka Kampla saaka ka furmayo.

Shirkanina waxaa uu ku soo beegmayaa xilli maxkamada ICC ay ku raad joogto madax ka tirsan dalalka Afrika qaarkood sida Sudan, Kenya iyo Uganda oo lagu xiriirinayo in ay geysteen dembiyo ka dhan ah xuquuda aadanaha.

Maxkamadda caalimga oo ay xarunteedu tahay magaaladda Hague ee dalka Netherlands ayaa hadda waxay ku guda jirtaa dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee dalka Liberia, Charles Tayler oo lagu soo googay danbiyo ka dhan ah bani'aadanimadda iyo danbiyo dagaal.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin