BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dacawadda General Cali Samatar
 
General Maxamed Cali Samatar
General Maxamed Cali Samatar oo loo heysto dacwad
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa maanta go'aamisay in dacwad lagu soo oogi karo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, General Maxamed Cali Samatar.

Generaalka oo muddo dheerna ahaa Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, waxaa uu hadda deggan yahay duleedka magaalada Washington.

General Samatar waxaa loo haystaa xad gudubyo lagu eedeeyay in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobolladii woqooyi oo ay ka dagaallameen ciidanka dowladdu.

Cabdicasiis Maxamed Cali iyo Baashe Cabdi Yusuf oo ah ragga dacwadda ku soo oogay General Maxamed Cali Samatar ayaa BBC u sheegay in sagaalka xaakim ee maxkamadda inay ay raaceen dooddii ay iyagu wateen, oo ahayd in maxkamad la soo taagi karo Samatar.

Waxa ay go'aanka ku tilmaameen inay tahay guul, iyagoo intaa raaciyey in go'aanka dib loogu celin doono maxkamadda hoose si loogu caddeeyo danbiyada loo heysto.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay in Maxamed Cali Samatar lagu qaadi karo dacwaddaasi gudaha waddanka Mareykanka, iyadoo loo heysto in uu wax ka ogaa dil iyo jirdil ka dhacay waddankiisa Soomaaliya xilligii uu madaxda ahaa.

Hadda ka hor ayaa Xaakimka maxkamadda federaalka waxa uu sheegay in Samatar uu leeyahay xisaanad diblomaasi oo aan dacwad lagu soo oogi karin.

 
 
BOGGAG AAN BBC AHAYN
BBC-du mas’uul kama aha wax aan ahayn boggeeda.
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin