Wasiirka Amniga waa Khalif Axmed Ereg

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxwaynuhu wuu ka maqnaa madaxtooyada marka la weeraray

Ra'iisalwasaaha Soomaaliya ayaa wasiirka amniga qaranka u magacaabay Khalif Axmed Ereg, iyadoo xilalkii laga qaaday taliyayaashii boliiska iyo nabadsugidda.

Taliyihii ciidanka Booliiska Cabdxakiin Daahir Saciid ayaa lagu badelay Maxamed Sheikh Xasan Ismaciil.

Waxaana si KMG ah xilka he’yadda nabadsugidda u heynaya Maxamed Cabdullaahi Xaamud.

Arrintan ayaa ka dambeysay weerarkii habeenkii xalay lagu qaaday madaxtooyada

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xaalada madaxtooyada ay haatan deggan tahay.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Mustafa Dhuxulow ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan shan ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday mid kalen la qabtay.

Ururka al-Shabaab ayaa Talaadadii weeraray xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, waxa ayna gudaha u galeen dhismahaasi aadka loo ilaaliyo.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan joogin madaxtooyada marka la weeraray.

Ururka Al-Shabaab ayaa muqdisho laga saaray 2011, laakiin badanaaba weeraro ayay ku qaadaan Caasimadda.