Daniel Toroitich arab Moi

Xaaladaha qeexaya nolosha madaxweynihii hore ee Kenya Moi
Ku dhowaad rubuc qarni, Daniel Arab Moi wuxuu haystay siyaasadda kenya

Wuxuu awoodda la wareegay 1978 ka dib geeridii madaxweyhihii ugu horreeyay Kenya, Jomo Kenyatta

Xilligii uu ku cusbaa xilka, wuxuu ku tiirsanaa shacabka isagoo adeegsanayay hal ku dhigyo iyo mashaariic uu dadka isku baray. Balse isku deygii lagu afgembin rabay 1982-dii ka dib, Moi wuxuu isu bedelay keligii taliye kaas oo caburiyay xuriyadda dadka. Wuxuu dhashay 2 Sebtember 1924, wuxuuna ka soo jeeday qoys beeraley ah oo deggan Baringo, Galbeedka Kenya.

Waa kuwan marxaladihii ugu muhiimsanaa muddadii uu xilka hayay, madaxweynihii ugu wakhtiga dheeraa Kenya

  • 1960, 1962, 1963
    Macluumaad Wuxuu ka qeybgalay Shirkii Lancaster House ee London, halkaas oo ah meesha lagu qoray dastuurkii qabyada ahaa ee Kenya, kaas oo shacabka Kenya siiyay aqlabiyadda Gole baarlamaan.
  • 1967
    Macluumaad Madaxweynihii hore Jomo Kenyatta ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeenkii seddaxaad. Wuxuu xilkaas hayay 11 sano
  • 1978
    Macluumaad Waxaa loo dhaariyay madaxweynaha Kenya, ka dib geeridii Jomo Kenyatta. Sannadkaa ka dib, wuxuu siidaayay dhammaan maxaabiistii siyaasadeed oo uu ka mid ahaa qoraaga caanka ah, Ngugi wa Thiong'o.
  • 1982
    Macluumaad Dowladdiisa waxay fashilisay iskudey afgembi oo ay sameeyeen askar ka tirsanayd ciidamada cirka. Waxay arrintaas dhacday isbuuc ka dib markii baarlamaanka uu ansixiyay in dalka uu hal xisbi ka jiro. Tobannaan siyaasi ayaa la xiray bil ka dib dhacdadaas.
  • 1983
    Macluumaad Wuxuu billaabay hannaanka waxbarashada ee 8-4-4 taas oo dad badan u arkeen dhaxal uu ka tagayay
  • 1989
    Macluumaad Wuxuu gubay 12-tan oo fool maroodi ah 1989-kii si uu wacyigelin ugu sameeyay in ka ganacsiga foosha ay tahay sharcidarro.
  • 1991
    Macluumaad Wuxuu dib u soo celiyay qodobkii dastuurka ee dhigayay dimuquraadiyadda iyo axsaabta badan, iyo xadididda wakhtiga madaxweynaha, isagoo ka jawaabayay cadaadiska dadkii dimuquraadi doonka ahaa iyo beesha caalamka.
  • 1992
    Macluumaad Wuu tartamay wuxuuna ku guuleystay doorasho ay xisbiyo badan ka qeybgaleen muddo 20 sano ah - markii ugu horreysay ee uu wajahay loolan xilka madaxtinimada ah.
  • 2002
    Macluumaad Wuxuu xilka ku wareejiyay madaxweyne Mwai Kibaki ka dib 24 sano oo xilka uu hayay, oo dhaqaalo aan kobcin iyo musuq joogto ah uu hareeyay.
  • 2019
    Macluumaad Maxkamad ayaa ku amartay inuu bixiyo hal bilyan oo shilling (10 milyan oo dollar/7.7 milyan oo boonka Ingiriiska ah) taas oo magdhow u ahay in si sharci darro ah uu ku qaatay 53 ekar oo dhul oo ay lahayd haweeney carmalo ah.
  • 2020
    Macluumaad Wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaalla Nairobi ka dib muddo uu xanuunsanaa.

Lahaansho

Waxaa soo saaray Muthoni Muchiri, Anthony Makokha iyo Juliet Njeri

Waxaa hagaajiyay Olawale Malomo, Purity Birir

Waxaa naqshadeeyay Olaniyi Adebimpe, Millie Wachira

Lahaanshaha sawirka: AFP/Getty Images

La wadaag boggan asxaabtaada