Burundi

  1. Madaxweynaha cusub ee Burundi oo xilka loo dhaariyay

    Madaxweynaha cusub ee Burundi Evariste Ndayishimiye
    Image caption: Madaxweynaha cusub ee Burundi Evariste Ndayishimiye

    Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ee dalka Burundi, Evariste Ndayishimiye ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee dalkaas, waxaana lagu waday Evariste Ndayishimiye in uu xilka la wareego bisha Agosto kaddib geeridii ku timid madaxweynihii hayay talada Pierre Nkurunziza.

    Dadkii ka qeybgalayay munaasabadda caleemo saarka ayaa laga codsaday inay tegaan goobta xilli hore si loo qaado tallaabooyinka looga hortaggayo feyraska Korona sida gacmo dhaqa, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka ee AFP.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli toddobaadkii hore uu geeriyooday madaxweynihii Burundi Nkurunziza kaddib markii uu wadnaha istaagay.

    Ninka haatan xilka loo dhiibay Evariste Ndayishimiye waxaa uu taageero ka helay Nkurunziza, waxaana la shaaciyay in uu ku guuleystay doorashadii bishii May ka dhacday dalkaas, taas oo ay mucaaradku sheegeen in lagu shubtay.

  2. Pierre Nkurunziza

    Dalka Burundi waxaa uu ku gudo jiray diyaargarow ku aaddan sidii xilka loogu wareejin lahaa madaxweynaha dhawaan la doortay ee Evariste NDayishimiye, balse shalay waxaa geeriyooday madaxweynaha haya talada ee Pierre Nkurunziza kaas oo uu wadnaha istaagay.

    next
  3. Burundian President Pierre Nkurunziza doing a header in Ivory Coast - 2007

    Markii ugu horreysay wuxuu ahaa ciyaartoy ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad, kaddib wuxuu noqday tababare dhinaca ciyaaraha ah, kaddib wuxuu isu baddalay hoggaamiye fallaago, ilaa uu ka gaaray heer uu madaxweyna ka noqday dalka Burundi.

    next