Sweden

  1. Ikraam oo xidhan calanka Somaliland oo u dabaal dagaysa maalinta xorriyadda

    "Aniga ujeedadaydu waa asturnaan. Maadaama oo aan Muslimad ahay na asturnaantu wax weyn bay ila tahay waxaanan doonayey uun in aan cid walba u muujiyo in aad adiga oo asturan hadana noqon karto qof dharka xayeysiisa, sababta oo ah xijaabku, ka sokow inuu yahay sharci Islaam, hadana sidiisaba waa qurux." Sidaa waxa tidhi Ikraam.

    next
  2. A burnt out light truck pictured a day after the riot in the Rosengard neighbourhood of Malmo, Sweden, 29 August 2020.

    Dibadbaxayaasha ka soo horjeeda gubista Kitaabka Quraanka ee taageerayaasha garabka midig ee Sweden iyo booliska ayaa isku dhacay intii lagu jiray saacado badan oo rabshado ay socdeen.

    next
  3. Sweden: Caro ka dhalatay gabadh yar oo ay dishay rasaas habow ah

    Dadka oo xusaya gabadha dhimatay
    Image caption: Dadka oo xusaya gabadha dhimatay

    Dadweynaha Sweden ayaa ka carooday gabadh yar oo 12 jir ah oo ay dishay rasaas habow ah, waxaana dalkaas ka taagan doodda ah dhibaatada ka dhalatay weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah.

    Gabadhan oo aan magaceeda la sheegin ayay rasaastu ku dhacday Axaddii xilli ay ku sugneyd agagaarka kaalin shidaal, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Booliska waxay bilaabeen baaritaanno ku aadan dhacdadaas.

    Saraakiisha ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah weerarada, Sweden waxaa sannadihii u dambeeyay sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda.

    Dhacdadan ayaa ka dambeysay kaddib markii koox dabley ah ay is ceersanayeen sidaas darteedna si aan ula kac aheyn ay rasaasta ugu dhacday gabadha, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

  4. Olof Palme

    Olof Palme waxaa toogasho lagu dilay xilli uu ku sugnaa waddada ugu mashquulka badan dalka Sweden, sanadkii 1986-kii. Hadda dacwad oogeyaasha waxaa laga yaabaa inay ogyihiin ciddii dishay.

    next