Britain

  1. Halkee kale ayay dunida uga keydsan tahay kimikadii ku qaraxday Beyrut?

    Warshad soo saarta Ammonium nitrate oo ku taalla Faransiiska
    Image caption: Warshad soo saarta Ammonium nitrate oo ku taalla Faransiiska

    Kaddib maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday Beyrut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof ayaa waxaa haatan isa soo tarayaa walaaca ku saabsan halka lagu keydiyo kimikadaas.

    Kimikadan waa mid si weyn looga adeegsado dunida gaar ahaan bacriminta ama waxyaabaha qarxa ee lagu soo saaro macddanta.

    Balse waxaa jiraa shuruucyo adag oo ku saabsan halka iyo waqtiga goob lagu keydinayo.

    Inta badan waxaa lagu keydiyaa goobo qarsoodi ah maadama ay jirto suurtagalnimada ah in laga sameyn karo qaraxyada.

    Hindiya

    Ku dhawaad 740 tan oo maaddada ammonium nitrate ayaa lagu keydiyay goob deegaan ah oo qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirta magaalada Chennai oo ah mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Hindiya, muddo 5 sanno ah ayay halkaas ku keydsan tahay.

    Mas’uuliyiinta gobolka koonfurta ee Tamil Nadu ayaa dacwad ka gudbiyay shirkaddii maaddada ammonium nitrate ka kentay Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2015-kii, taas oo ku anddacootay in loogu talagalay maaddadaas bacriminta.

    Qaraxii Beyrut
    Image caption: Qaraxii Beyrut

    Yemen

    Xeer ilaaliyaha guud ee Yemen ayaa amar ku bixiyay in la baaro warar ay warbaahinta sheegayeen oo ahaa in 100 konteenar oo ammonium nitrate ah lagu keydiyay dekedda magaalada koonfurta ku taalla ee Cadan.

    Waxay sheegeen in kimikada lasoo geliyay dalka saddex sano ka hor isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sucuudiga ee taageerayo dowladda Yemen.

    Ciraaq

    Dowladda Ciraaq waxay amar ku bixisay in dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo walxo halis ah oo lagu keydiyay dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas, waxay ogaadeen in ammonium nitrate lagu keydiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad.

    Shixnad ammonium nitrate ah oo lagu qabtay Indonesia sanadkii 2016-kii
    Image caption: Shixnad ammonium nitrate ah oo lagu qabtay Indonesia sanadkii 2016-kii

    Australia

    Ka hor inta uusan qaraxa ka dhicin magaalada Beyrut, shacabka ku dhaqan magaalada Newcastle ee gobolka New South Wales ee dalka Australia waxay codsanayeen in kimikada ammonium nitrate oo lagu keydiyay meel 3 kiiloomitar u jirta magaalada laga raro halkaas.

    Dekedaha UK

    Waxaa bilowday baaritaan ku saabsan maaddada ammonium nitrate oo si weyn loogu keydiyay dekedaha ku yaalla Lincolnshire iyo Immingham iyo sidoo kale goobo kale oo ku yaalla gobolka Humber.

    Waaxda ABP oo maamusha goobahan ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta dekedaha UK ay tahay inay raacaan shuruucda adag isla markaana ay xaqiijiyaan in kimikada meel wanaagsan lagu keydiyo iyadoo la ilaalinayo ammaanka.

    Dekedda Immingham ee UK
    Image caption: Dekedda Immingham ee UK
  2. .

    Muraayadihii ama ookiyaalihii uu xidhan jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi, midkood ayaa todobaadka dambe horaantiisa lagu xaraashi doonaa saylad xaraash oo ku taal magaalada Bristol.

    next
  3. Ciyaartoyda sida ula kaca ah u qufacda oo loo taagi karo kaarka cas

    .

    Ciyaartoyda sida ula kaca ah ugu qufacda ciyaartoyda kale ama garsoorayaasha ciyaaraha ayay suurgal tahay in la siiyo kaarka cas, sida uu sheegeen kooxaha dejiya shuruucda kubadda cagta iyo xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska.

    Golaha ururka kubadda cagta ee adduunka ayaa sheegay in arrintaas ay soo hoosgaleyso sida 'ku kicidda fal dambiyeed iyo aflagaadaynba’.

    Ururka wuxuu intaas ku daray in 'dhammaan dambiyadaas ay tahay in garsooraha uu go’aan ka gaaro.

    Go’aankan ayaa imaanaya xilli dunida uu faro ba’an xanuunka safmarka ah ee feyraska korona.

  4. Nick iyo Emily McKerrell

    "Waxaa igu darnayd markii aan codsi u diray shirkad shaqo soo xayeysiisay oo ay muddo 15 daqiiqo gudohood ay jawaab diidmo ah i siisay. Sidee ayay muudaadaasi yar ugu akhrin karaan waraaqahaygii codsiga?

    next