Myanmar

  1. Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay

    Booliiska dalka Myanmar ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal halkaasi oo ay ugu yaraan 18 qof ku dhinteen, waxaa sidaasi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanhaa ee Qaramada Midoobey.

    next
  2. Cutout of Myanmar's Aung San Suu Kyi against a backdrop of soldiers standing guard on a blockaded road to Myanmar's parliament in Naypyidaw on February 1, 2021

    Bari waxay ahayd qof lagu daydo oo ka shaqeeya arrimaha bani'aadannimada, isbaddal dimuqraaddiyadeed ayeyna u horseedday dalkeeda Myanmar. Laakiin tan iyo markii ay xukunka qabsatay sanadkii 2015-kii, maamulka Aung San Suu Kyi waxaa lagu bartay sida uu ula dhaqmay qoomiyadda muslimiinta u badan ee Rohingya - oo dalkaas looga tiro badan yahay. Hadda xilli uu xisbigeeda isku diyaarinayay inay billaabaan muddo xileedka labaad, ayaa afgambi milatari xabsiga gutaxaabay Suu Kyi iyo hoggaamiyeyaal sarsare. Haddaba sidee bay haweeneydan nabadda ku caan baxday - oo taageero weyn ku heysata shacabka u badan Budiistaha ee dalka - ku gaartay heerkan?

    next
  3. Illustration of a boat on a shore

    Khadiza Begum, oo ah haweeney ka tirsan qaxootiga Rohingya, waxay kasoo qaxday gurigeeda ku yaalla Myanmar si ay uga baxsato qalalaasaha, waxayna dagtay xero qaxooti oo ku taalla Bangladesh, halkaasoo ay kooxo dadka tahriibiya kasoo siisy lacag ay ku geeyaan ilaa dalka Malaysia.

    next