Bartamaha Aasiya

  1. Muuqaal lasoo dhigay barta Tiktok oo ka farxiyay qoys uu aabahood muddo ka maqnaa

    Aabaha in muddo ayuu maqnaa muuqaalka lasoo geliyay Tiktok ayaa fududeeyay in dib loo helo
    Image caption: Aabaha in muddo ayuu maqnaa muuqaalka lasoo geliyay Tiktok ayaa fududeeyay in dib loo helo

    Muuqaal lasoo dhigay barta Tiktok oo shacabka loogu baaqayay inay caawiyaan dadka saboolka ah e ku nool Hindiya ayaa qoys u horseeday inay helaan aabahood oo in muddo ah ka maqnaa.

    Aabahan oo lagu magacaabo R Venkateshwarlu ayaa la waayay muddo labo sanno ah halka jaan iyo cirib uu dhigay, waxaa uu kasoo muuqday muuqaalka isaga oo taagan waddo ilaa 2000 kiiloomiitar u jirta deegaankii uu kasoo jeeday.

    Haatan waxaa uu dib ula midoobay qoyskiisa, muuqaalka waxaa barta Tiktok soo geliyay sarkaal boolis ah oo ku sugan gobolka Punjab ee dalka Hindiya kaas oo waday howlo loogu gargaarayo dadka saboolka ah ee ku nool halkaas.

    “Farxad ayaan la ilimeeyay markii aan dib u arkay aabahay” waxaas sidaas BBC u sheegay wiilkiisa.

    Haatan qoyskiisa ayuu dib ula midoobay
    Image caption: Haatan qoyskiisa ayuu dib ula midoobay

    Aabahan oo la sheegay in dhagaha uu si fiican wax uga maqleyn isla markaana uu hadalka dhibayo wuxuu ku noolaan jiray tuulo ku taalla gobolka koonfurta dhaca ee Telangana.

    Bishii April ee sannadkii 2018-kii wuxuu baabuur xamuul ah u raacay tuulo kale isaga oo ku wajahan shaqo, waxaa la tegay baabuurka markii uu ku dhex hurdday, waxaa uu ka dhacay deegaan kale uusan garaneyn, sida wiilkiisa R Peddiraju uu BBC-da u sheegay.

    Tan iyo markii Hindiya looga dhawaaqay bandowga looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona, sarkaal boolis ah oo ku nool gobolka Punjab oo la yiraahdo Ajaib Singh wuxuu bilaabay olole samafal ah oo uu gargaar ugu fidinayo shacabka tabaaleysan isla markaana uu raashin gaarsiinayay.

    Wuxuu barta Tiktok soo dhigay muuqaallada dadka saboolka ah si loo caawiyo, bartiisa waxaa ku xiran dad gaarayo ilaa 800,000.

    R Venkateshwarlu iyo sarkaalka booliska ee muuqaalka soo dhigay barta Tiktok
    Image caption: R Venkateshwarlu iyo sarkaalka booliska ee muuqaalka soo dhigay barta Tiktok