Shaqaale FBI ah oo qirtay in uu "Shiinaha u shaqaynayay"

Xigashada Sawirka, gettyimages
Chun Shiinaha ayuu ku dhashay balse sharciga Maraykanka ayuu qaatay
Shaqaale ka tirsan hay'adda sirdoonka ee maraykanka ee FBI ayaa qirtay in uu si qorsoodi ah wakiil ugu ahaa dowladda shiinaha.
Ninkaasi waxa uu hayay maclumaad sir ah oo ku saabsan ammaanka.
Kun Shan Chun, oo ku dhashay dalka shiinaha balse qaatay dhalashada Maraykanka loona yaqaanno magaca Joey ayaa waxa uu ka hor qirtay maxkamada in uu maclumaad xasaasi ah u gudbin jiray saraakiil shiinays ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkani uu Qatar geliyey ammaanka dalka maraykanka isaga oo ku dhaqaaqay bay tiri khiyaamo.
Qareenka Chun ayaa sheegay in uu Maraykanka jecel yahay uuna aad uga xunyahay waxa dhacay.
Safaaradda Shiinaha ee magaalada Washington ayaan wali ka hadlin arrintan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.