Talaalka Zika oo rajo laga muujiyay

kaneeco Lahaanshaha sawirka SPL
Image caption Zika waxaa faafisa kaneecada

Saddex nooc oo loo qaabeeyay talaalka Zika ayaa muujiyay in ay si buuxda gaashaan uga noqonayaan Zika

Saynisyahanadu waxay ogaadeen in saddexda nooc ee daanyeerada lagu tijaabiyayba in ay cudurka gaashaan ka noqonayaan.

Zika ayaa keenay xaalad caafimaad oo dagdag ah, sababtoo ah wuxuu keenaa xaalado caafimaad oo halis ah oo dhallaanku ku dhashaan.

Kooxo kala duwan oo adduunka oo dhan ka kala socda ayaa qaabaynaya talaal dadka la siin karo, laakiin waxay u badan tahay in ay sanado qaadato in loo adeegsado si baaxad leh.

In kabadan lixdan dal ayuu ku fiday cudurku kaas oo ay faafiso kaneecadu.

Saynisyahanada samaynaya cilmi baaristan u dambaysay waxay isticmaaleen saddex qaab oo loo adeegsado marka la horumarinayo talaalka mid ka mid ahna wax dhibaato ah ma laha.

Laakiin saddexdan la soo bandhigayba waxay leeyihiin gaashaan dhamaystiran mana jiro mid ka mid ah oo ay ka dhalanayso saamayn halis ah.

Mowduucyada la xiriira