Dablay 13 ku dishay suuq Hindiya ku yaalla.

Kokrajhar
Image caption Weeraro ayaa horay uga dhacay Kokrajhar

Dad hubaysan ayaa rasaas ku furay suuq mashquul badan oo ku yaalla gobolka Assam ee waqooyiga-bari dalka Hindiya, waxaana ku dhintay 13 ruux sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliiska ayaa weerarkaas ku eedeeyay dablay loo malaynayo in ay yihiin garab ka tirsan NDFB.

Wararku waxay sheegayaan in mid ka mid ah raga hubaysan lagu dilay israsaasayn dhexmartay laamaha ammaanka oo ku sugan degmada Kokrajhar.

NDFB waxay dhul ay gooni u leeyihiin u raadinaysaa qawmiyadda Bodo waxayna rabaan in laga hoos saaro Assam.

Saraakiil deegaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in lix ruux oo Jabhad looga shakisan yahay ay qoryaha daran dooriga u dhaca ku rideen suuq ayna bambooyin ku tureen meel ka baxsan suuq ku yaalla magaalada Kokrajhar.

Wuxuu sheegay in mid la dilay shan kalana lagu raad joogo.

Dukaamo iyo guryo ayuu burbur ka soo gaaray weerarkaas.

Image caption Khariirad

Sanadkii 2014-kii jabhadda NDFB waxay dishay ugu yaraan 62 ruux oo ku sugnaa Sonitpur iyo Kokrajhar oo ka tirsan Assam

Qawmiyadda Bados waxay hadda leeyihiin dhul uu maamulo mid ka mid ah xisbiyadooda oo lagu magacaabo BPF.

Tiro jabhado ah oo ku sugan Assam ayaa la dagaalamaya dawladda, waxayna dalbanayaan ismaamul ama dhul ay u madax banana yihiin dadka asal ahaan u daganaanaa dhulkaas ee ay matalayaan.

Mowduucyada la xiriira