Shir ku saabsan ganacsiga dumarka oo Hargeysa lagu soo gabagabeeyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan ganacsiga dumarka oo Hargeysa lagu soo gabagabeeyay

Shir ku saabsan dhiirri gelinta ganacsiga dumarka oo ay ka soo qayb galeen 150 ganacsato dumar ah oo soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa. Dumarkii ka soo qayb galay waxaa ka mid ahayd Amina Xirsi Mooge oo ah gabaR soomaaliyeed oo maal-qabeenad ah oo ganacsi ballaaran oo wershedo ku jiraan ku leh dalka Uganda iyo dalal kale oo tusaale ahaan loogu martiqaaday shirkan.

Aamina Xirsi mooge waxay uga warantay BBC-da baaxada ganacsigeeda iyo siday ku billowday iyo siday u shaqaaleysiisay kummanaan dumar ah.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed saciid Cige oo Aamina Xirsi Mooge ku wareystay goobtii shirku ka socday ee xarunta Hiddo-Dhowr ayaa ugu horeyn weydiiyay xilligii ay billowday ganacsiga.