Shaqaale warshad cunto ayaa ku dhintay weerar isbahaysiga Sacuudiga uu ku qaaday Sanca

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Warshad cuntada oo ay ku dhinteen ilaa shan iyo toban shaqaale ka dib weerarka Sacuudiga

Isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee la dagaalamaya mucaaradka Xuutiga ee Yemen, ayaa ku qaaday weerar dhinaca cirka magaalo madaxda Sanca markii ugu horaysay bilooyin.

Weerarka ayaa sababay in la xiro garoonka diyaaradda.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii wadahadala nabada ee ay dhexdhexaadinayso Qaramada Midoobay laga gaari waayay horumar.

Afhayeenka Sacuudiga ee isbahaysiga ayaa sheegay in dhamaan meelihii la beegsaday Sanca inay ahaayeen milatari.

Laaiin, waxaa jira warar sheegaya in ugu yaraan 15 shaqaale oo u badan dumar ay ku dhinteen warshad cunto oo ku taala galbeedka Sanca.

Mowduucyada la xiriira