Senate-ka Brazil oo u codeeyay Rousseff in si rasmi ah loo dacweeyo

Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff, June 14, 2016 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dilma Rousseff ayaa ku tilmaantay xil ka qaadisteeda inay tahay inqilaab la isku dayay

Senate-ka Brazil ayaa u codeeyay in lagu qaado dacwad rasmi ah madaxweyne Dilma Rousseff oo shaqada laga joojiyay, ka dib markii lagu eedeeyay inay jabisay sharciga miisaaniyada.

Senate-ka ayaa u codeeyay 59 taageersan iyo 21 ka soo horjeeda dacwadda Rousseff, oo la filayo in la qabto dhamaadka bishan.

Senate-ka ayaa shaqada ka joojiyay Rousseff bishii May, ka dib eedayn la xiriirta lacago si sharci daro ah loo isticmaalay.

Waxay Rousseff sheegtay inay ahayd wax caadi ah oo la sameeyo sida lacagta loo isticmaalay dowladihii hore ee jiray.

Ka dib dood adag oo dhamaatay maanta saacadihii hore, senate-ka ayaa helay tirada codka ee ay u baahnaayeen si go'aan looga gaaro in si rasmi ah loo dacweeyo Ms Rousseff.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Senate-ka oo ka doodaya go'aanka sida rasmiga loogu dacwaynayo madaxweyne Rousseff ayaa ku gaaray dooda ilaa subaxnimadii maanta.

Ms Rousseff, ayaa lagu eedeynayaa inay qarash garaysay lacag iyadoon ka haysan ogolaasho congress-ka, iyo inay ka qaadatay ammaahyo bangiyada dowladda si ay u kordhiso miisaaniyada dowladda markii ay dhaci rabeen doorashooyinka 2014, ee dib loogu doortay.

Dadkii la shaqaynayay xisbigeeda Shaqaalaha ayaa sheegay in dadka badan ee ku jira congress-ka ee eedeynaya Rousseff, in iyaga naftigooda lagu eedeynayo musuqmaasuq.

Mowduucyada la xiriira