Canada oo ka hortagtay weerar argagixisnimo

weerar Canada Lahaanshaha sawirka AP
Image caption kanada oo weerar ka hortagtay

Booliska dalka Canada ayaa sheegaya in ay qaadeen tallaabo ay ku xaqiijinayaan ammaanka shacabka kaddib markii ay heleen warar sheegayay weerar argagixisnimo oo qof uu doonayay in uu fuliyo.

Booliska ayaa sheegaya in ay aqoonsadeen qofka lagu tuhmayo in uu soo maleegayay weerarkaasi balse ma aysan shaacin xog dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegeysa in booliska ay dileen nin looga shakisanaa in uu soo maleegayay weerarkaasi.

Ninkaasi ayaa lagu soo waramayaa in la xiray sanadkii hore balse aanan maxkamad las oo taagin.

Eedeymaha loo haytay ayaa waxaa ka mid ahaa in uu baraha xiriirka bulshada ku taageeray kooxda Khilaafada Islaamka.