Kiimiko sun ah oo lagu weeraray Xalab

weerarka Xalab

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Carruur dhibaato ka soo gaartay sun lagu weeraray Xalab

Shaqaalaha caafimaadka ee ku sugan magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen weerar loo maleynayo in loo adeegsaday kiimiko sun ah oo lagu qaaday qaybta mucaaradka ay ka joogaan magaaladaasi.

Tiro kale oo dad ah ayaa lagu soo waramayaa in ay qabaan dhaawacyo.

Suntaasi ayaa la saadaalinayaa in ay tahay kiimikada kalooriin oo hawada laga soo riday.

Dowladda iyo mucaaradka Suuriya ayaa horey labaduba u beeniyay in ay hubka kiimikada ay u isticmaaleen dagaalka.

Kaddib dagaal ba'an oo ka jiray magaaladaasi ayaa wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxa ay sheegtay in ciidamadooda ku sugan magaaladaasi ay hakinayaan hawlgalkooda milatari maalin kastaa muddo saddex saacadood ah laga billaabo maanta oo khamiis ah si gargaar loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.