Xulafada Yemen oo duqaysay mudaaharaad ka dhacayay Sanca

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mudaaharaad ka dhacay Sanca, Yemen

Kummanaan kun oo muddaaharadayaal ah ayaa isugu soo baxay caasimadda Yemen ee Sanca iyagoo ka ashtakoonaya duqaymaha ay gaystaan xulafada uu Sucuudiga hormuudka u yahay.

Dadka dibad-baxayey oo taageersan golaha xukunka cusub ee Xuutiyiintu ay dhawaan ku dhawaaqeen ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi intii uu banaanbaxu socday.

Jahawareer ayaa banaanbaxaas ka dhashay, ka dib markii intii ay dadku mudaaharaadayeen xulafada la diriraysa Xuutiyiinta ay duqeeyeen buur dusha ka soo eegeysa qasriga madaxtooyada, taasoo keentay in dadku ay kala cararaan.

Sucuudiga ayaa wajahaya cambaarayn xooggan oo uga immaanaysa kooxaha Xuquuqul insaanka oo ku aadan dhibaatada dadka rayidka ah ka soo gaarto duqaymaha.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 6,500 oo qof ay ku dhinteen duqaymahaasi tan iyo markii ay billawdeen sanadkii la soo dhaafay.