Samatar oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Samatar oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Allaha u naxariistee janaraal Maxamad Cali Samatar oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Marxuum Samatar ayaa xilal waaweyn ka so qabtay dawladdii millatariga ahayd ee Soomaaliya maamulaysay intii u dhaxaysay 1969kii iyo 1991kii.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo ka qayb galay aaska Qaran ee loo sameeyay Janaraal Samatar ayaa warbixitan ka soo diray.