Nin Hindiyaan ah oo 12km maydka xaaskiisa waday

Amang Majhi qaaxo ayay u dhimatay Talaadadii
Image caption Amang Majhi qaaxo ayay u dhimatay Talaadadii

Nin danyar ah oo dalka Hindiya ku sugan ayaa maydka xaaskiisa waday 12km kaddib markii isbitaalkii ay ku dhimatay uu ku eedeeyay in uusan ka helin gaari uu ku qaato si uu u geeyo tuuladii uu ka yimid.

Amang oo ah xaaska Dana Majhi's ayaa cudurka qaaxada ama TB ugu geeriyootay isbitaalka degmada ee magaalada Bhawanipatna iyada oo 42 jir ah.

Majhi ayaa sheegay in tuuladiisu ay u jirto 60km isla markaasna uusan awoodin in uu gaari u kireeyo.

Masuuliyiinta Isbitaalkaasi ayaa diiday eedaymahaas.

"Haweenaydaas waxaa la dhigay isbitaalka Talaadadii isla habeenkii ayayna geeriyootay. Ninkeeda ayaana la tagay maydkii isaga oon ogaysiinin shaqaalihii isbitaalka" sidaas waxaa sheegay B Brahma oo ah masuul sare oo dhanka caafimaadka ah.

Sikastaba ha ahaatee Majhi ayaa ku eedeeyay shaqaalaha isbitaalku ay ku celceliyeen in uu la boxo mayd uuna xaaskiisa la tagay Arbacadan.

Image caption Majhi marka uu maydka waday waxaa la socotay gabadhiisa Chaula oo 12 jir ah