Weerarkii xeebta Liido oo la soo afjaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maraykanka oo cambaareeyay weerarka Liido

Dalka Maraykanka ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday makhaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee dawladda Soomaaliya ay 9 qof ku dhinteen.

9ka qof ayaa la sheegay in ay isugu jireen shacab, askarta dawladda iyo dableydii weerarka qaadday.

Warsaxaafadeed uu Maraykanku soo saaray ayuu weerarkaasi ku tilmaamay mid aan macno lahayn oo muujinaya arxan darada ururka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono in uu la shaqeeyo shacabka iyo ciidammada qaranka Soomaaliya si dalka oo dhan ammaan looga dhigo.

Sida ay ciidamada booliska sheegayaan, waxay qabteen qof ka mid ah kooxdii weerarka qaadday oo dhaawacmay, kaas oo hadda su'aalo la weydiinayo.

Xalay markuu weerarka bilaabanayay maqaayadda dad badan ayaa fadhiyay. Qaar ka mid ah dadkaas daaqadaha ayey iska tuureen, halka qaarka kalena ay darbiyada ka boodeen.

Ninkan ayaa kamid ahaa oo BBC u sharaxay sida ay uga baxsadeen.

Mowduucyada la xiriira