Xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay bartamaha Talyaaniga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay bartamaha Talyaaniga

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobollada bartamaha dalkaas oo dhul gariir uu baabi'iyey habeennimadii Arbacada. Ugu yaraan 250 qof ayaa ku dhintay. Matteo Renzi wuxuu ballan qaaday lacago dheeraad ah iyo imkaaniyaad kale oo imaan doona marka la sii daayo 50 Malyan oo Yuuro oo ah dhaqaale degdeg ah.

Cabduqaadir Qanjeey waa weriye madax banaan oo deggan dalka Talyaaniga, wuxuuna BBC uga warramay qaabka ama habka loo sameynayo howlaha gurmadka ee lagu raadinayo dadka dhintay iyo kuwa badbaadayba.

Mowduucyada la xiriira