Aas qaran oo ka socda dalka Talyaaniga

Aas ay dawladdu soo qabanqaabisay oo dhawr ruux loo sameeyay ayaa Sabtidii dhacay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Aas ay dawladdu soo qabanqaabisay oo dhawr ruux loo sameeyay ayaa Sabtidii dhacay

Dalka Talyaaniga waxaa ka bilaabatay maalin aas qaran loo samaynayo ku dhawaad 300 oo ruux oo ku dhimatay dhulgariirkii cuslaa ee ka dhacay gobollada dhexe ee buuralayda ah.

Ra'iisalwasaare Matteo Renzi ayaa ka qaybgali doona aas ay dawladdu qabanayso oo ka dhacaya Arquata oo ka mid ah magaalooyinkii uu saamaynta ugu xun ku dheeshay dhulgariirku.

Xaalad dagdag ah ayaa lagaga dhawaaqay deegaanadii uu dhibku gaaray, waxaana loo qoondeeyay 50 milyan oo lacagta Yuuroo-da ah oo dib u dhis lagu samaynayo.

Dhimashada rasmiga ah ayaa maraysa 278 ruux noolna wali lama helin tan iyo fiidnimadii Arbacadii

Iyada oo ay taasi jirto xukuumaddu waxay sheegtay in ay sii wadi doonaan baadi goobka tan iyo inta ay ka hubinayaan in nolosha ama geerida qof kaste.

Dadka waxyeeladu gaartay waxay u badnaayeen Talyaani, laakiin waxaa ka mid ahaa ajaaniib ay ka mid yihiin saddex Biritish ah.

Dadaalada samato bixinta waxaa carqaladeeyay boqolaal jeer oo dhulku ruxmay dhulgariirkii waynaa kaddib, mid ka mid ah ayaana waxyeello wayn gaarsiiyay buundo galaysay Amatrice.

"Aan rajayno in buundadaasi aysan duman, haddii ay go'do magaaladu go'doon ayay ka noqon labada dhinacba ayuu yiri duqa magaalada Sergio Pirozzi.

Ruxitaanno dheeri ah ayaa laga diiwaangaliyay saacadihii hore ee Sabtida, mid ka mid ah ayaana cabirrkiisa lagu tilmaamay afar.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhulgariirku wuxuu burburiyay dhismooyin qadiimi ah
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqolaal jeer oo dhismayaashu ruxmeen ayaa carqaladeeyay hawlihii samato bixinta

Mowduucyada la xiriira